Xog: Musharaxiinta gadoodsan oo dagaal ku raadinaaya kursiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashadda Madaxtinimadda Somalia ayaa la qorsheynayaa in la qabto 6 isbuuc kadib, waana DoorashAdii ugu dambeysay ee Nidamka Awood-qeybsiga ku salaysan 4.5 ee ay Beelaha Soomaaliyeed ku wadaagi jireen Xilalka Dowladda.

Doorashadda sannadkan ayaa loo arkaa mid ka culus Doorashaddii sannadkii 2012-kii oo uu ku guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Musharixiinta sannadkan ayaa u muuqda kuwo diyar-garow xooggan u soo galay Musharaxnimdooda, isla markaana soo bandhigay Qorshaha ay ku maarayn karaan Ololaha Doorashadda iyo Kharajka kale ee ay kaga tallaabi karaan Masraxa Musharixiinta, kuna kasban karaan Codadka Xildhibaandd Barlamaanka soo socda.

Jawiga Diyaar-garowga Doorashadda ayaan la guda-galay, iyadoo inta badan Musharixiinta Madaxtinimadda bilaabeen Ololahooda Doorashadda.

Munaasabadaha ay Musharixiinta ku shaacinayaan Damacooda Siyaasdeed ee Xilka Madaxweynaha ayaana weli ka socda magaalladda Muqdisho iyo Magaallooyinka kale ee Somalia iyo kuwa dalalka deriska.

Boorarka Sawirada Musharixiinta ayaana lagu dhejiyey goob kasta oo ka mid ah Faras-magaalaha iyo Waddooyinka ugu mashquulka badan Muqdisho, iyadoo Musharax kasta uu samaystay Hal-ku-dheg u khaas ah, oo biyo dhaciisu yahay Hamuunka ay u qabaan Xilka Madaxweynaha.

Musharixiinta Madaxweynaha waxaa wehliya Siyaasiyiin badan, kuwaasi oo uu damac kaga jiro haddii Musharaxa ay taageerayaan ku guuleysto Xilka Madaxweynaha in loo magacaabi doono Xilal Sare, kuwa Dhexe ama Xilal Diplomaasiydeed ama loo cantoobin doono Hantida Qaranka ee iska baylahan.

Wargeyska Foreign Policy ee ka soo bxa dalka Maraykanka wax uu bishan September 20-dii Maqaal Dheer ka qoray Arrimaha Doorashadda soo socota ee Somalia iyo Eedeymaha lagu sheegayo inay jiraan Tacadiyo iyo Musuqa hareyn doona Doorashadda Madaxtinimadda Somalia ee soo socota.

In ka badan daraasiin Musharixiin ayaa ka mid noqday Masrxa Musharixiinta, waxaana kuwa ugu tunka weyn ka mid ah Mdaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee DKMG, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’isul-wasaare Omar C/rashiid oo la soo shaqeeyey Labada Madaxweyne ee ay haatan ku wada loolami doonaan Xilka Madaxweynenimadda.

Musharixiintan waxay taageeradda Qabaa’ilkooda iyo Taageeradda Maaliyadda ka dhigtay inay isku aqoonsadaan Musharixiinta xaqiiqda.

Laakiin, Musharixiinta isku arka inay yihiin Siyaasiyiin Mucaarad ah waxay Saadaal aan wanaagsan ka bixinayaan Hannaanka Doorashadda iyo Heerka uu garsiisnaan karo Xorriydda Dimuqraadiyadda, waxayna si kulul ugu eedeeyaan Dowladda Federalka inay Gacan Adag ku xakamaynayso Musharixiinta ka tirsan Isbahaysiga Isbedel-doonka.

Go’aanka lagu mamnuucay DIbadbaxyadda Siyaasadda ayaa dareen ku abuuray Siyaasiyiinta iyo Musharixiinta Mucaaradka ku ah Dowladda Federalka, kuwaasi oo u arkay Go’aankaasi mid lagu dabrayo Ololahooda Doorashadda iyo Dibadbaxyadda ay Taageerayaashooda ku qabsan lahaayeen magaalladda Muqdisho.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay wax ka jiraan Gocashadda Musharixiinta la tartamayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo Musharixiintaasi sheegaan in aad loo soo koobay Tas-hiilaadkooda asaaska u ah Iib-geynta Ololahooda Musharaxnimdooda iyo Dibdbaxyadii Siyaasadeed.

Ra’isul-wasaare iyo Musharax Cumar C/rashiid waxa uu si cad u sheegay inay Musharixiinta xaq u leeyihiin inay dhigtaan Dibadbaxyo Siyaasadeed, wuxuuna hadalkiisa u muuqdaa mid uu ku difaacayo Musharaxnimadiisa iyo Musharixiinta kale.

Xaqiiq ahaan Siyaasadda Somlia ayaa u muuqata mid iska bedeshay Jihadii Caadiga ahayd, iyadoo Siyaasiyiinta u muuqdaan kuwo ku kala qeybsan Marxalladda lagu jiro iyo Geeddiga Doorashadda

Dhaliisha Mucaaradka ayaana la dhihi karaa waa qeyb ka mid ah Furfurnaanshaha Dimuqraadiyadda iyo Is-turxaan bixinta, balse, waxaan meesha ka maqnan Karin Khatarta ka dhalata Xasaasiyadda ee Xilliga Doorashooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com