Xog: Fashilkii Kenya ka raacay ICJ oo sabab u noqday in la joojiyo shidaal baarista badda Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay laaday dhammaan Heshiisyadii la xiriiray Shidaal baarista oo ay dhawaan la gashay Sharikadaha Shidaal baarista ka wada biyaha uu muranka badan ka taagan yahay.

Go’aanka ay Kenya ku laaday Heshiiskaasi ayaa waxaa ku dhawaaqay Githu Muigai oo ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Kenya.

Mr Githu Muigai, ayaa sheegay inay joojiyeen dhammaan Heshiisyadaasi shidaalka la xiriira waxa uuna taa bedelkeeda ku sheegay inay ku raali galinayaan Dowlada Somalia iyo Maxkamada danbiyada ee magaceeda loo soo gaabiyay ICJ.

Mr Githu Muigai, oo la hadlaayay warbaahinta dalkaasi ayaa sheegay in dowlada Kenya ay dhaqan galindoonto go’aanka lagu hakiyay Heshiiska Shidaal baarista, waxa uuna carab dhabay inay jiraan caqabado Kenya kasoo foodsaaray ICJ.

Mr Githu Muigai, waxa uu sidoo kale, sheegay in go’aankaasi uu saameyn doono Ceelasha ay ku socdaan sahminta iyo kuwa lagu howlan yahya qoditaankooda.

Sidoo kale, Kenya waxa ay sheegtay in goobaha ay shidaal baaristaasi ka socotay oo ah 4 ceel hakad la geliyay kuwaas oo kala ah Ceelka 21aad, 22aad 23aad iyo 24aad, kuwaasi oo dhamaantooda dhaca halka ay iska galaan biyaha kala qeybsha Somalia iyo Kenya.

Baaxadda halka ay ku muransan yihiin dowladaha Somalia iyo Kenya ayey dowladda Kenya ku sheegtay in 42,000KM ay gaareyso,taas oo ay rumeysan yihiin labada dalba in ay kheyraad dabiici ah ka buuxaan.

Haddalka kasoo yeeray dowlada Kenya, gaar ahaan Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Kenya, ayaa imaanaya iyadoo dowlada Kenya ay si cad ugu fashilantay Dacwada Badda.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com