Xog: Musuq maasuq xoog leh oo ka taagan dhismaha hay’ada naafada qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in dood badan ay ka taagan tahay dhismaha hey’adda Naafada Qaranka Soomaaliyeeed, taas oo u dhaxaysa mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban labada Aqal ayaa bishii December ee sanadkii hore meel mariyay Sharciga Naafada Qaranka kadib codsi uga yimid Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale 30-kii December ayaa waxaa saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya oo markii uu saxiixay Warbaahinta u sheegay in hey’adda Naafada Qaranka si deg deg ah loogu baahan yahay.

Dhowr bilood kadib ilaa hada lama dhisin hey’adda Naafada Qaranka oo la rabo in ay ka koobnaato 5 qof Islamarkaana ka kooban rag iyo haween.

Yuusuf Sheekh Cali oo ah Xogyahay Urur ay ku midaysan yihiin Naafada Qaranka ayaa Caasimada Online u sheegay Xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ku muransan yihiin dhismaha Hey’adda.

“Xildhibaano badan ayaa keensaday rag iyo dumar Naafo ah oo ay rabaan in ay kamid noqdaan 5-ta qof ee Guddiga, Wasiiradana waxay keensatay qaar kale waana lagu murmay” ayuu yiri Yuusuf Sheekh Cali.

“Ma jirto cid tixgelin iyo mudnaan nasiiso maadaama hey’adda na qusayso waana ka walaacsanahay” ayuu hadalkiisa raaciyay Yuusuf Sheekh Cali.

Dhinaca Kale Caasimada Online ayaa ogaatay laba qodob oo yaab leh oo ay sameeyeen Xubno katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Labada qodob ayaa kala ah:

1) – In Xildhibaanada qaar ay dibadda ka keeneen dad Naafo ah si ay uga mid noqdaan hey’adda Naafada Qaranka.

2 . Wasiiradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ayaa wada qorshe Guddoomiyaha hey’adda uga dhigayso qof heesta dhalashada wadanka kale iyadoo u cugsaneysa in uu ku hadlo luqado badan oo muhiim u ah hogaaminta hey’adda sida Luqadda Englishka.

“Waa nasoo gaartay in Xildhibaano dibadda ka keeneen dad Naafo ah si ay uga mid noqdaan hey’adda” ayuu ku jawaabay mar aan weydiinay Yuusuf Sheekh Cali.

“Waan la kunay Wasiiradda waana waydiinay in qof baasaboor kale heesta Guddoomiye laga dhigi rabo waxayna noo sheegtay in qofkii Alle uqoray hogaamin doono” ayuu yiri mar aan weydiinay su’aal ku saabsaneed in qof qurba joog ah Guddoomiye loo wado.

Arintaan ayaa muujineysa in musuq maasuq xoog leh uu ka jiro dhismaha hey’adda Naafada Qaranka waana sababta keentay in aan ilaa hadda la dhisin hey’adda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com