Madaxweyne Muuse Biixi oo ku dhawaaqay arrin quus geliyay shacabka Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horeysay shaki galiyey in xukuumadiisu ay awoodo inay soo saarto biyo gaadha dhamaan bulshada ku nool magaalada Hargeysa.

Muuse Biixi ayaa sheegay inaanay Xukuumadiisu hubin biyaha ku keydsan deegaanka Geed-deeble ee laga waraabiyo caasimada Somaliland, sidaa darteedna loo baahan yahay in reer Hargeysa isku tashadaan.

Madaxweyne Biixi ayaa ka dhawaajiyey ineyna macquul aheyn in bulsho-weynta Hargeysa oo xiligan ka badan hal Milyan ay isku haleeyaan biyo soo saarka Geed-deeble, ee ay isku diyaariyaan inay helaan biyo kale.

“Macquul maaha, Hargeysa oo Milyan Qof mareysa in Geed-deeble oo aan la ogayn biyaha ku jira, intay soo saartana aynu qasabado waaweyn u samaysanay, inta soconayaan garan mayno, markaa waa inaynu biyo badan qabsanaa oo aynu xoogeena ku tashanaa iyo xoolaheena. Hargeysa biyo way qabsan kartaa iyadoon Cidna u qayshan, markaa hadaanu madaxdii-nahay waxaanu codsanaynaa aynu isugu tagno, tilmaantaa aynu qaadano, weliba mushtamaca Hargeysa deggani ha hoggaamiyo” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Wuxuuna intaas kusii daray Muuse Biixi “Shiki baa laga qabaa Dawladaha oo waxbay halleeyaan baa la is yidhaahdaaye, Hargeysa intay isu tagto oo ay dhaqaalaha ururiso oo ay ta Dawladdana ku darto, Dadkii aqoonta lahaana aynu keeno aynu Caqligeena iyo Muruqqeena aynu biyaha ku joojino. Hay’adahoow na soo gaadha waxba tari mayso, waa Dad inala mid ah oo aynaan isku Diin ahayn, Xoolaha aynu qaadano ee Sadaqada ah waxa laga soo ururiyaa Kiniisado, Ilaahayna Gaalo barya inama odhanin, inaga oo Caqligeena qabna”.

Sikastaba, Hadalkan Madaxweyne Biixi ayaa kusoo aadaya xili muddo 7-sanadood oo xidhiidha la waday mashruucan, kaasi oo ay ku baxday lacag ka badan 30-Milyan oo Euro, oo ay ugu deeqay Midowga Yurub, iyada oo ay dheertahay Malaayiin dollar oo loogu deeqay biyo balaadhinta Caasimada.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com