Barkhad Jaamac Batuun ka hadlay qoysas “uu dhul ka xoogey madaxweynaha”

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta markale ka hadlay mowqifkiisa ku aadan arrimaha doorashooyinka, isagoona markii uhoreysay ka hadlay cabashooyin sheegaya in Madaxweyne Muuse Biixi uu xoogay dhul laga dhisayo Madaxtooyo.

Afhayeenka guud ee xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun oo ka hadlaya arrimahaas, ayaa wuxuu sheegay in hannaankii dimuquraadiyadeed ee Somaliland ka iibinaysay dunida, uu gabalkeedu sii dhacayo, wuxuuna yiri:

“Somaliland warshado ma hayso alaabo ka soo baxdo oo ay Dunida ka iibiso, Dunida ayeynu citiraaf ka raadina waxaynu citiraafka ku raadina dal dimuquraadiya oo doorashooyin ka dhacaan baanu nahay. Doorashadaasi waxay dunida ka iibisa iyo deeq bixiyeyaasha inaga taageera doorashada in aynu dal dimuqraaddiya nahay. Waxa muuqata muddadan labada sanno ee xukuumadda Muuse sanka la sii galayso in rajadii doorashada laga qabay meesha ka sii baxayso oo nidaam kale oo aan dimuqraadi ahayn dalku galayo, anagu WADDANI ahaan goobta aanu taagan nahay waa in doorasho dalka ka dhacdo”.

“Doodayada Waddani ee doorashadu waxa weeye haddii Madaxweynenimadii, maaliyaddii dalka, maamulkiisii iyo Militarigiisii aanu Muuse Biixi nidhi madaxweyne noogu noqo si doorasho dalka uga dhacdo dadka inoo xaqsooraya ee Komishanka doorashooyinka ah si caddaalad ah inoogu qaybi taas ayuuna madaxweynuhu diidan yahay”. ayuu yiri Afhayeen Batuun

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay qoysas sheegay in xukuumada Biixi ay ka xoogtay dhul ay ka dhisaneyso Madaxtooyo oo ku yaala galbeedka caasimada hargeysa, isagoona ka dhawaajiyey arrin suuqa ugu jirtay Muuse Biixi inta uusan Madaxweyne noqon, wuxuuna yiri:

“Madaxweyne sooyaalkaaga taariikheed intii aanad jagada madaxweyne Iman waxa hore suuqa ugu jirtay in aad dad beero isku haysateen 20 sannadood, adiga oo laba sanno madaxweyne ahna waxa la leeyahay beer bay qolo isku haystaan. Haybadda iyo sharafta dawladnimo uma qurux badna, xasaanadda aad Qaranka afarta milyan ee qof ah ku metelaysana uma qurux badna arrinta madaxweyne hoos u eeg oo dhiilladeedu mar dambe yaanay soo bixin oo haddii aad qaranka qurxinayso waa in wada jir iyo tanaasul dhankaaga ka yimaaddo si qarankani u taabbo galo hoggaamintaada iyo haybaddaadu u soo baxdo waxyaabaha soke ee mar kasta fadeexadda ku ah haybadda qarannimo in aad ka dheeraato taladaas ayaanu xisbi ahaan kuu soo jeedinayna”.

Wuxuuna intaas kusii daray Afhayeen Batuun “Cisbitaalkii caasimadda oo labaatan tallaabo u jira madaxtooyada aad shirka golahaaga wasiirrada kula gasho oo wasiirradaada kuwa xanuunsada aanay isku aamminayn in maanta haddana la yidhaahdo $432,000 oo dollar oo dayn ah ayuu ku jira cisbitaalkii dawladdu oo wuu dumaya oo adeeggiisii laydh iyo biyaba waa baaba waa boog kale oo (madaxweyne) hoggaamintaada ku jira”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com