Ciidamada booliska iyo nin hubeysan oo ku dagaalamay guri ku yaalla Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal qaatay ku dhowaad 1 saac ayaa ka dhacay Guri ku yaalla degmada Wardhiiglay ee Gobalka Banaadir kaas oo u dhaxeeyey Ciidamada Booliiska iyo Nin hubeysan.

Goob jooge ayaa Caasimada Online u sheegay in Ciidamada oo Ceersanaya nin hubeysan uu ka galay Guri ku yaala dhabarka dambe ee Saldhigga Wardhiiglay.

Ninka ayaa la sheegay in uu Bam gacmeed ku tuuray meel ay Ciidamo ku sugnaayeen waxa uuna galay guri ay dad Shacab ah ku sugan yihiin isagoo dhaxda ka xirtay Guriga.

Ciidamada ayaa ku guul dareestay in ay soo saaraan Shacabka mudo ka badan saacad, waxaana shacabka gadaal marsaday ninkii hubeesnaa si aysan uga bixin Guriga sida uu noo sheegay Sarkaal katirsan Booliiska Soomaaliya.

Ciidamada ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan ninka hubeysan, lamana sheegin weli wax khasaare ah oo soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee ku jiray guriga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com