Sawiro: Ciidamo cusub oo magacooda laga soo min guuriyey Turkiga oo lagu wareejinayo Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida aad ku akhrisateen wararkeenii hore, waxaa Magaalada Muqdisho laga qaaday dhammaan ciidamadii Booliska ahaa ee ku sugnaa Isgoyada Magaalada Muqdisho ee maalmihii dambe xirnaa.

Ciidamadaan oo gaarayey illaa Kun Askari ayaa lagu xareeyey Xerada Iskuul Boolisiyo ee Magaalada Muqdisho waxaana maalmaha soo socdo loo qaadi doonaa Dalka Jabuuti si halkaas loogu  soo tababaro.

Haddaba Caasimadda Online ayaa heshay xog ku saabsan Ciidamada la doonayo in lagu wareejiyo Amniga Muqdisho, si ay magaalada u sugaan Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo ay ka dhiman tahay maalmo.

Ciidamada Cuscub ee lagu wareejin doono Amniga Muqdisho ayaa waxaa lagu tababaray Xerada Militariga ee Dowladda Turkiga ku leedahay Muqdisho.

Ciidamadaan ayaa waxaa loo bixiyey magaca “ Ciidamada Booliska ee Gaarka ah” oo laga soo min guuriyey Dowladda Turkiga oo leh Ciidamada loo yaqaan “POLIS OZEL HAREKAT” oo la micno ah “ Ciidamada Booliska ee Gaarka ah” sida aad ka arki karto Calaamaddaha labada Ciidan ee hoos yaal.

Sida ay Caasimadda Online ogaatay ciidamadaan ayaa tiradooda waxay u dhaxeysaa 300 illaa 500 waxaana loogu talagal howlgalo adag oo laga fulin doono Muqdisho inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Ciidamadaan loogu talagalay in looga hortagalo Siyaasiyiinta Dowladda Mucaaradsan oo hadii la rabo lagu weeraro laguna soo qabto.

Ciidamadaan ayaa waxaa Magaalada lagu soo daadin doonaa Maalmaha soo socdo, waxayna wararka ugu badan sheegayaan inuu qorshaha yahay Maalinta Khamiista ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 25 Bishaan April .

Ciidamadaan ayaa waxay hoos imaan doonaan Gobolka Banaadir inkastoo ay ka tirsan yihiin Ciidamada Federaalka Soomaaliya.

Haddaba halkaan hoose ka daawo Sawirada