Ciidamada Puntland oo gurigiisa ku weeraray sarkaal diiday inuu hub wareejiyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ciidamo ka tirsan Puntland ay ku qaadeen guri uu degan yahay sarkaal ka tirsanaa ciidamada amaanka ee Puntland.

Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana ka dambeeyay ciidamo la sheegay inay ka mid ahaayeen booliska Puntland, lamana oga cidda ka dambeysay amarka weerarka.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in guriga la weeraray uu lahaa taliye ku xigeenkii hore ee ciidamada Booliska gobolka Bari, kaasi oo lagu magacaabo G/dhexe Axmed Abshir Axmed Jaraale.

Axmed Jaraale, ayaa la sheegay inuu diiday inuu wareejiyo hub maamulka uu leeyahay, waxaana ka dhashay weerar ciidamada Puntland ku qaadeen gurigiisa.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in iska hor imaadka uu ka dhashay khasaaro kala duwan, waxaana adag in la ogaado khasaaraha rasmiga ah, iyadoo wali Puntland aysan war rasmi ah kasoo saarin.

Balse Masuuliyiin kala duwan oo katirsan Puntland ayaa gaaray goobta iska hor imaadka uu ka dhacay, waxaana ay ku guuleysteen in xiisadda la qaboojiyo,

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan taliyah Booliiska Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse iyo wasiirkii hore Amniga Puntland Gen Cabdullaahi Siciid Samatar ayaa kamid ahaa masuuliyiinta goobta tagay islamarkaana xiisadda qaboojiyay.

Puntland ayaa maalin ka hor soo saartay wareegto lagu mamnuucayo ka ganacsiga, soo dajinta iyo dhoofinta Hubka, waxaana kadib Boosaaso laga bilaabay howlgalo kala duwan oo hubka lagu baadi goobayo.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com