Xog: Muudey oo cafis ka dalbaday Xasan Cali Kheyre kadib qirasho uu sameeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdiweli Ibraahim Muudey oo shalay ka qeyb galay shirkii musharaxiinta xilka madaxweynaha uga socday magaalada Muqdisho, ayaa ka garaabay xil ka tuuristii Xasan Cali Kheyre.

Muudey ayaa cafis ka dalbaday Xasan Cali Kheyre, isaga oo qirtay inuu isagu ka dambeeyay fulinta qorshihii lagu riday xukuumaddii uu hogaaminayey, sida ay xubno goob joog ah u sheegen Caasimada Online.

Waxa uu shirkaasi oo albaabadu u xirnaayen uga waramay qaabkii uu u dhacay abaabulkii uu baarlamaanku kalsoonida ugala laabtay xukuumaddii Kheyre, isagoona xusay in qorshahaasi uu intiisa badan lahaa.

Xasan Cali Kheyre ayaa cafiska uu ka dalbay Cabdiweli Muudey ku aqbalay shirkii shalay oo uu goob joog ka ahaa Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Mursal Sheekh.

Muudeya ayaa ugu dambeyntiina ka dhawaajiyey in Kheyre ay u wanaagsaneyd in xilka laga qaado marka loo fiiriyo xaalka uu xiligan taagan yahay dalka, maadama uu wajahayo doorasho ay ku xeeran yihiin dareeno badan.

Dhawaan ayey aheyd markii sidan oo kale uu Xasan Cali Kheyre ka garaabay weerarkii 17-kii December 2017 ay ciidamo ka tirsan dowladda ku qaadeen guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, isagoona raali-gelin buuxda ka siiyey arrinkaasi.

Cafiska Muudey ayaa sidoo kale u muuqda mid qeyb ka ah is-laab-xaadhashada siyaasiyiinta, maadama xiligan la isku diyaarinayo doorasho, midaasi oo ay ku kala aragti duwan yihiin mucaaridka iyo madaxda u sareysa dalka.