Xog: Muxuu salka ku hayaa khilaafka cusub ee ka dhex-qarxay Farmaajo iyo Rooble?

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf cusub oo u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble ayaa soo shaac-baxay wax kayar laba bilood un kadib markii ay ka heshiiyeen khilaafkii hore.

Khilaafka haatan kasoo dhex cusboonaaday labada xafiis ee dalka ugu sarreeya ayaa ka dhashay sida Guddiga Xalinta Khilaafaadka uu toddobaadkii hore kaga falceliyay murankii hareeyay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP67, oo bishii November uu ku soo baxay Taliyaha KMG ee Hay’adda NISA, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey).

Guddiga Xalinta ayaa 15-kii bishan warsaxaafadeed ku sheegay in hannaanka loo maray doorashada kursigaasi ay aheyd mid waafaqsan habraaca doorashada, taasoo aanay dadku ku qancin.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo saluug ka muujiyay qaabka ay guddiga u maareeyeen tabashada laga keenay kursigaasi ayaa 3 cisho ka dib go’aanka guddiga waxa uu xilka ka qaaday toddoba ka mida xubnaha guddigaasi, oo ku xirnaa Villa Somalia.

Rooble ayaa xubnahaas ku eedeeyey inay lumiyeen madaxbannaanidii guddinimo, ayna ku milmeen siyaasadda. Rooble ayaana bayaan kusoo magacaabay xubnihii bedeli lahaa xubnahaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Villa Somalia aanay jecleysan, sida loola dhaqmay xubnihii xilka laga qaaday, oo ciidamo ka amar-qaata Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur ay xoog kaga saareen Xarunta Guddiga Xalinta Khilaafaadka. Tani waxay ka dambeysay markii xubnahaasi ay ka horyimaadeen xil ka qaadistaasi.

Tani ayaa Isniintii sababi gaartay in laba garab u kala jabaan Xubnaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, garab taabacsan Madaxtooyada iyo garab kaloo la safan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Sababta Villa Somalia uga dagaalameyso ceyrinta xubnaha guddiga ayaa la sheegay inay tahay inay rumeysan tahay in xubnaha cusub ay caqabad ku noqon doonaan rag kale oo loo wado xildhibaannimo sida Fahad Yaasiin, Cabdiraxmaan Dheere iyo Cabdullaahi Kulane. 

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in kooxda Farmaajo ay sidoo kale ka careysan yihiin in doorashada xildhibaanada reer waqooyiga aysan noqon sidii ay doonayeen oo ay kusoo baxayaan xubno badan oo aan taabacsaneyn.

Farmaajo ayaa sidoo kale ka walaacsan in shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee uu ku baaqay Rooble lagu burburin doono labada deegaan doorasho, taasi oo doorashadii Gedo u gacan gelin karta Axmed Madoobe. 

Sidaas darteed, kooxda Farmaajo waxay hadda isku diyaarinayaan inay abuuraan xaalad burburin karta doorashada oo dhan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii