Xog: Muxuu salka ku hayaa khilaafka madaxda maamulka Galmudug?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya inuu jiro KHilaafu dhexeeya Madaxda maamulka.

Khilaafka ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay ku dhaqanka Dastuurka maamulka iyo qodobada lagu soo heshiiyay shirka madaxda maamulka ugu soo dhamaaday dalka Jabuuti.

Khilaafka xoogiisa ayaa la sheegay inuu yahay mid u dhexeeya Hoggaamiyaha maamulka iyo Madaxa Xukuumada Sheekh Shaakir, kadib markii lagu fashilmay dhaqaajinta Heshiiska.

Waxyaabaha leysku khilaafsan yahay ayaa waxaa kamid ah Habka qeybsiga ciidamada iyo goobaha uu maamulka ku shaqeyn doono, waxa uuna khilaafkaani u muuqdaa mid waxbadan qasi doona.

Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Shaakir ayaa isaga qaba shakiga ugu badan waxa uuna goor hore sheegay in Galmudug aysan diyaar u aheyn in lagu shaqeeyo Heshiiskii lagu gaaray dalka Jabuuti.

Sheekh Shaakir ayaa qarka u saran inuu dib ugu laabto maamulkiisa Ahlusunna ee uu kusoo biiriyay Galmudug, waxa ayna tani cirka kusii shareereysaa khilaafyadii laga soo gudbay.

Sidoo kale, Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir, ayaa sheegay in qodobadii heshiiskaas ee la jebiyey ay ka mid ahaayeen in la badiyey tirada xildhibaannada ee Maamulka Galmudug in Madaxda Galmudug uu waqtigoodu yahay Afar Sano oo hadda hal Sano kaliya ay ka harsan tahay balse ay u muuqato in Afar kale ay doonayaan in ay sii maamulaan Galmudug.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Dastuurka Galmudug ee shalay xildhibaannada loo qeybiyey intiisa badan ay ku jiraan qodobo aan macquul aheyn,isla markaana qaarkood aan waafaq saneyn Dastuurka Soomaaliya sida horay loogu heshiiyey.

Waxa uu intaa raaciyay in khilaafka jira uu qeyb ka yahay hab qeybisigii Beelaha oo aan sidii saxda aheyd an loo marin,isla markaana Beelo qaarkood horay u lahaa 8 Xildhibaan hadda lasiiyey 16 xildhibaan.

Ma cadda sida ay dowlada Federaalka ah ee Somalia uga qeybqaadan laheyd xalinta khilaafka kasoo cusboonaanaya maamulka Galmudug.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com