Gaas oo shaaciyey nooca ay noqon doonto doorashada maamulka Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu isku diyaarinaayo doorasho dhacdaa xiligeeda.

Gaas, waxa uu sheegay in qorshaha hadda u degsan maamulkiisa uu yahay inaan dib u dhac lagu sameyn xiliga doorashada, balse ay noqon doonto keliya mid ka adag kuwii hore.

Waxa uu Cabdiwali Gaas, tilmaamay in doorashada soo socta ay noqon doonto mid looga danbeyn doono Guddiga la filaayo in loo xilsaari doono, si loo muujiyo kala danbeyn.

Gaas ayaa sheegay in Puntland ay ka dhici doonto isbedel doorasho sidii ay horay ugu dhacday oo kale, waxa uuna farta ku goday inay wax dooran doonaan 66 Xubnood ee uu ka kooban yahay waqtigaan baarlamaanka Maamulka Puntland.

Gaas, aya sidoo kale waxa uu sheegay in guddiga doorashooyinka ay ka sugayaan jawaabta nooca doorashada ee ka dhici doonta Puntland, isla markaana ay xilligaan ku mashquulsan yihiin guddigaas.

‘’Guddiga imaanaya ayaa looga danbeyn doonaa Doorashada waxaan musharaxiinta u sheegeynaa inay dhowraan nidaamyada maamulka’’

Haddalka Cabdiweli Gaas, ayaa kusoo beegmaaya xili uu maamulka doorasho uu gali doono sanada 2019 oo fooda nagu soo heysa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com