C/raxman Cirro oo xaqiiqda ka sheegay saldhigga Berbera iyo arrin ka soo fool leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah Wadani ee maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, ayaa daboolka ka qaaday in Somaliland ay xiligaani marti galin doonto khatar kaga imaaneysa dhanka Saldhiga Berbera.

Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay inay suuragal tahay in Somaliland ay sababsato dhismaha iyo shaqo galinta Saldhiga Berbera, waxa uuna qiray in Saldhiga uu halis muuqda ku yahay Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu sheegay in Somaliland laga doonaayo inay is weydiiyaan tan u roon dhaqaale Imaaraad iyo shacabkeeda, waxa uuna tusaale usoo qaatay go’aankii dhawaan uu Anwar Qarqaash isaga fogeeyay Somaliland.

‘’Maamulka hadda haya talada waxaa laga doonayaa inaanu fiirin dhaqaale oo ay fiiriyaan dhibta kusoo fool leh Somaliland, anigu waxaa ii muuqaneysa Somaliland oo lagu sii hogaaminaayo boholo mugdi ah, imaaraadkuna waxa uu eegan doonaa maslaxadiisa’’

Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu tilmaamay in adduunka oo idil laga hadal hayo Saldhiga Berbera, sidaa aawgeed ay wanaagsanaan laheyd in gabi ahaan meesha laga saaro arrinta Saldhiga.

‘’Saldhiga Berbera murankiisa ayaa nagu batay waxaan filayaa inuu noqon doono Xabsiga ugu cadaabta xun dunida, waayo intiisa badan waxaa laga dhigayaa Xabsiyo’’

Sidoo kale, Cirro, waxa uu ku baaqay in maamulka Muuse Bixi uu ka fiirsado ficilada kaga imaan doona Heshiiska Saldhiga Berbera.

Haddalka Cirro, ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Imaaraadka ay dhawaan inkirtay inay xiriir la leedahay maamulka Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com