Axmed Madoobe oo iska xaadiriyey Addis-Ababa, lana soo kulmay Abiy Ahmed

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Xubno ka tirsan maamulkiisa.

Abiy Ahmed iyo Axmed Madoobe oo kulankooda uu qaatay muddo kabadan Saacad ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Maxamed Warsame Darwiish iyo Wasiirka Dastuurka Aadan Aw Xirsi.

Ra’isul wasaare Abiy Ahmed iyo Hoggaamiye Axmed Madoobe ayaa kawada hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Xiriir hoosaadka Ethiopia kala dhexeeya Jubbaland, Qoondada ay Ethiopia ku leedahay Heshiiska Dekkada Berbera, Khilaafka Somalia iyo Imaaraadka,Dib u habeen lagu sameynaayo Dastuurka Jubbaland iyo Tababaro la sheegay in Ethiopia ay siineyso ciidamada Jubbaland.

Abiy Ahmed, ayaa Axmed Madoobe su’aalo badan ka weydiiyay dhammaan qodobada kor ku xusan, waxa uuna tilmaamay in Ethiopia ay xoojin doonto xiriirka kala dhexeeya Jubbaland.

Abiy Ahmed, waxa uu sidoo kale Axmed Madoobe u ballanqaaday inay is garabtaagayaan, isla markaana ay kordhin doonaan Heshiisyada dhacay.

Abiy Ahmed, waxa uu Madoobe usoo bandhigay ka qeybqaadashada xal u raadinta khilaafka ka dhashay Heshiiska Dekadda Barbera ee u dhexeeya Imaaraadka, Ethiopia iyo Somaliland, isla markaana kasoo horjeedo dowlada Somalia.

Abiy Ahmed, waxa uu Madoobe u cadeeyay inay siin doonaan mudnaan gaara haddii uu ku baxo xalinta qodobka ay ka shakisan tahay dowlada Somalia ee khuseeya Dekadda Berbera, maadaama uu arrinku yahay mid ay wax ka qaban la’yihiin dowladaha carbeed.

Axmed Madoobe, ayaa soo dhaweeyay dalabaadka kaga imaaday Abiy Ahmed, waxa uuna ballanqaaday inuu bixin doono juhdi ku saleysan sida ay dowlada Somalia ku hakin laheyd is hortaaga Heshiiska Dekadda Berbera.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyay ee maamul Goboled oo la kulma Ra’isul wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abiy Ahmed, waxaana sidoo kale la sugayaa in C/weli Gaas uu gaaro Addis Ababa.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Ethiopia oo qeyb ka ah Heshiiska Berbera ee la hakiyay ayaa dadaal xoogan ku bixineysa sida ay dowlada Federaalka Somalia uga horgeyn laheyd Maamul Goboleedyada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com