Xog ku saabsan qorshaha la doonaayo in lagu buuxiyo kuraasta xukuumada ee faaruqa ah?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeenii hore ku sheegnayba waxaa socda qorsho ay Xukuumada Somalia ku buuxineyso Kuraasta ka banaan Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Qorshaha lagu buuxinaayo kuraasta banaan ayaa la sheegayaa inuu dhaqan gali doono gudaha bishaan waa haddii aanu dhicin dib u dhac ka imaada dhanka Ra’isul wasaaraha.

Warar hoose aanu helnay ayaa muujinaaya in Kuraasta banaan ay buuxin doonaan shaqsiyaad ka tirsan baarlamaanka Somalia, gaar ahaan Xildhibaanadii ka shaqeeyay dhicitaanka Guddoomiyihii hore ee BFS Jawaari.

Xildhibaanada kasoo dhexmuuqan doona Xukuumada la dhameystiraayo kuraasteeda ayaa iminkaba gudbinaaya araajidooda, si ay u maraan fadhiga xulashada.

Sidoo kale, qorshaha muuqda ayaa waxaa kamid ah in Wasiirada qaar ay weyn doonaan xilalkooda, kuwaa oo ay bedeli doonaan Wasiiro kale oo garab u ah dowlada iminka jirta.

Wasiirada laga cabsi qabo inay weyn doonaan xilkooda ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kiisas badan lagu heysto.

Isbedelka la filaayo in lagu sameeyo Xukuumada Somalia ayaa waxaa dhowr jeer baajiyay culeysyo Xukuumada Somalia kasoo foodsaartay dhanka baarlamaanka Somalia oo iminka ay hanatay isla Xukuumada, kadib is casilaada Guddoomiyihii hore Jawaari.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in Xukuumada imaan doonta ay ka dhexmuuqan doonaan Xildhibaano dhowr ah oo kaalin weyn ku lahaa riditaanka Jawaari.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com