Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xariga ka jaray xarun cusub oo loo dhisay Wasaaradda Warfaafinta

Baydhabo (Caasimadda Online) – Waxaa maanta xariga laga jaray xaruunta Wasaaradda Warfaafnta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xaig jarka waxa ka soo qeyb galay mas,uuliyiinta ugu sareysa maamuka koonfur galbeed oo uu ugu horeeyey maxadweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Wasiirka Warfaafinta iyo agaasimihiisa, xubno ka tirsan Golaha Shacabka Koonfur Galbeed, Odayaal dhaqameedyo iyo xubno badan oo kamid ah Ururada Bulshada Rayidka.

Mas’uuliyintii meesha ka hadashay waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxa uu goobta ka sheegay muhiimada ay leedahay xaruuntan Wasarada warfaafina oo uu ku tilmaamay in ay tahay  Golihii nabadda lagana doonaya in ay ka qeybqaadato in dalkaan nabad lagu soo celiyo.

Waxa kalo goobtaasi ka hadlay wasiirka Amniga koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed oo loo yaqaano Eelaay, waxa u dhankiisa amaan usoo jeediyey cidii suura galisay dhismaha xaruuntan Wasaaradda warfaafinfa KGS isagoona xusay in ay baahi u qabeen wasaarad warfaafin sababtuna uu ku sheegay in ay ahay isha kaliyah ee isku xiri kara iska war qabka shacabka iyo mas,uuliyiinta Koofur Galbeed.

Waxaa kaloo goobtaasi ka hadlay Wasiirka Warfaafinta KGS Xasan Cabdi Maxamed waxa uu kaga warbixiyey madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan  dadaalkii ay u galeen dhismaha xaruunta wasaaradda Warfaafina KGS, Arinta xiisaha leh ee uu ka hadlay wasiirka warfaafinta ayaa waxa ay ahayd isagoo la hadlay madaxweyne shariif xasan.

” Mudane madaxweyne tan iyo markii aad ii magacawaday xilkaan wasaaradda Warfaafinta waxa an orod dheer u galay in ay dowlada Koonfur Galbeed  hesho Wasaarad Warfaafineed oo aan aaminsanahay in ay jirto baahi loo qabo waana ku guulasaney waa tan maanta aad adiga noo xarig jareyso, waxaa kaloo aan kuu sheegayaa mudane madxweyne xilku waa meerto wasiirkii ibadalaa waxa uu heli doonaa goob diyaarsan waayo xaruntaan ma aha xarun aan aniga leeyahay waa xarun ay leeyihiin shacabka Soomaliyed gaar ahaan reer Koonfur Galbeed”.

” Ugu danbeyn mudane Madaxweyne waxaan kaa codsaneynaa in aad nagala shaqeyso Horumarka Wasaaradda warfaafinta KGS”.

Gabagabadii waxaa goobta ka hadlay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu si weyn u soo dhaweeyey dhismahaan cusub ee wasaaradda warfaafina, isagoona xusay in Koonfur Galbeed ay Maanta heshay wasaaraddii ugu muhiimsaneyd, sababta uu muhiim ugu tilmaamayna uu ku sheegay in ay tahay meeshii lagu kala war qaadan lahaa in ay tahay.

”  Waxaan aan ku celinayaa wasaaradan waa inoo muhiim sababtoo ah buu yiri Shariif Xasan war helaa talo hela waxaa kaloo tusaale usoo qaatay in ay galayaan shirka golaha wasiirada hadaan la sheegin micnaheedu waa wax kama jiraan kulankeena waayo anagaa qol ku wada hadalnay shacabkiina nama oga laakiin wasaaradda Warfaafina waxa ay awood u leedahay in ay daqiiqad warkeena ku gaarsiiso kumaan kun oo qof” .

Ugu danbeyn madaxweynaha aya xariga ka jaray xaruunta Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed isagoona qeyb qeyb u booqday xaruunta ay ka kooban tahay wasaaradda warfaafinta KGS.