Xog: Sanbaloolshe oo wada olole ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hey’adda nabad sugidda qaranka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), oo muddo toddobaad ah ku sugan dalka Itoobiya, ayaa warar kala duwan kasoo baxaayaan qorshaha safarkiisa.

Sanbaloolshe oo noqday mucaarad tan iyo markii xilka laga qaaday, ayaa la rumeysan yahay in uu kulamo gaar ah la yeeshay sirdoonka Itoobiya, isla markaana la wadaagay warbixinno la xiriira sirdoonka iyo howlaha amniga Soomaaliya.

Lama hubo qorshihiisa rasmiga ah ee booqashadiisa Itoobiya, balse warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Sanbaloolshe uu doonaayo in saaxiibtinnimo cusub uu la sameysto Itoobiya iyo Imaaraatka, si markale uu uga soo muuqdo masraxa sare ee siyaasadda Soomaaliya.

Waxaa lala xiriiriyaa in uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo sirdoonka Itoobiya, iyadoo la ogyahay in si dhow ay u wada-shaqeyn jireen xilligii uu ahaa taliyaha nabad sugidda Soomaaliya.

Booqashadiisa Itoobiya ayaa imaaneyso xilli uu dhowaan sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeeshay saraakiil ka tirsan sirdoonka Imaaraatka Carabta.

Sanbaloolshe oo hadda aad ugu kacsan dowladda hadda jirta, ayaa horey u noqday wasiir, xildhibaan, safiir iyo taliyaha nabad sugidda Soomaaliya.