Muqdisho (Caasimada Online) – Maalintii shalay waxaa magaalada Dhuusomareeb tagay madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo, wuxuuna safarka ahaa mid deg deg ah oo la doonayay in xal looga gaaro hadal ay ku dhawaaqeen odayaal ku shiray magaalada Dhuusomareeb.
Ujeedada safarka oo labo waji lahaa ayaa wajiga koowaad wuxuu in Xasan Sheikh uu soo xiraa shirkii dib u hishiisiinta ee muddada labada bil ah ka socday magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, kaasi oo lagu hishiisiinayay beelaha daga gobolka Galgaduud.
Ujeedada labaad ayaa aheyd in madaxweynaha uu ka dhaadhiciyo beelaha ku shiray magaalada Dhuusomareeb in shirka uu ka dhaco magalaada Cadaado caasimadana ay noqoto magaalada Dhuusomareeb.
Caasimada Online ayaa ogaatay in xalay kulamo waqti qaadan oo gooni gooni ahaa ay yeesheen madaxweynaha Soomaaliya iyo waxgaradkii ku sugnaa magaalada Dhuusomareeb.
Dood iyo muran dheer kadib madaxweynaha ayaa runta loo sheegay sida xogta aan ku heleyno iyada oo odayaasha ay sheegeen ineysan ka laabaneynin go’aankooda ah in caasimada gobolada dhexe noqoto DHuusomareeb shirkana lagu qabto isla magaalada.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweynaha uu isku dayay inuu ka dhaadhiciyo waxgaradka in Cadaado shirka lagu qabto, laakiin markii dambe waxaa la sheegay iney isaga baxeen goobta shirka.
Taasi waxay dhalisay in madaxweynaha looga baxo hoolka shirka gaarka ah uu ka soconayay, sida wararka ay sheegayaan.
La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com