Odayaasha Hawiye oo Muqdisho ka wada abaabul lid ku ah Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda abaabul Siyaasadeed oo ay wadaan Odayaasha Beelaha Hawiye oo si aad ah kaga soo horjeeda Siyaasadda Madaxweyne Xassan Sheekh.

Odayaashaani ayaa isku uruursanaaya magaalada Muqdisho iyaga oo isku xiriirinaaya Teleefanada si ay u mideeyaan mowqifkooda ku aadan dib ula laabashada kalsoonidii ay u hayen Xassan Sheekh.

Odayaashaani ayaa doonaaya in kullan ballaaran ay ku qabsadaan mid kamid ah aqalada Nabadoonada ugu caansan Beelaha Hawiye kadib markii laga mamnuucay inay ku kulmaan Hoteelada Muqdisho.

Qorshaha Odayaasha ayaa ah inay wada saxiixaan hal warqad oo ay ku cadeynayaan in Xassan Sheekh ay kalsoonida kala laabteen, iyadoo arrintaani ay tahay mid ay u wada siman yihiin dhammaan Beelaha Hawiye.

Go’aanka Odayaasha ayaa saameyn xoogan ku yeelan kara damaca Madaxweyne Xassan ee dib usoo laabashadiisa, waxaana suuragal ah in qaraarka Odayaasha uu ku waayo codadkii uu kusoo bixi lahaa wakhtiga doorashada.

Lama oga sida uu Xassan Sheekh uga hortagi lahaa abaabulka Odayaasha, waxa uuna kulankaani daba socdaa kii dhawaan lagu fashiliyay Hoteel Makka Al-mukarama.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com