Wasiiro tagay Beledweyne iyo DF iyo beesha Xawaadle oo weli…

Beledweyne (Caasimada Online) – Masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan halkaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay iskaga daba laabanayeen madaxda dowlada iyo urur goboleedka IGAD.

Dowlada ayaa u muuqata mid fahamtay awooda beesha Xawaadle ay ku leeyihiin gobolka Hiiraan, maadaama shirka maamul u sameynta labada gobol iyaga dartood uu hakad ugu jiray muddo badan iminkana ay muuqato inuu  ka socon la ‘yahay.

Wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed iyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalle Cawad ayaa maanta tagay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Xubno kale oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Beledweyne ayaa wafdigan soo dhaweeyay, waxaana ujeedada safarka wafdiga ay tahay sidii loo dardar gelin lahaa qancinta waxgaradka Hiiraan ee diidan dhismaha maamulka labada gobol.

Magaalada Beledweyne waxaa haatan ka socda qaban qaabada caleemo saarka ugaaska beesha Xawaadle, haddana waxaa ka taagan xiisad ku saleysan dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo odayaasha Hiiraan ay sheegeen in caleemo saarka kadib ay usoo jeesan doonaan arimaha maamulka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com