Warbixin: Turkiga oo aqoonsaday baasaboorka Somaliland, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Turkiga ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Baasaboorka maamulka Somaliland, kadib markii ay fiisooyin dal ku gal ah ay ugu dhufteen Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka.

Dowlada Turkiga ayaa maamulka Somaliland ku wargaliyay in madaxda maamulkooda ay suuragal tahay inay qaatan fiisaha iyaga oo isticmaalaya Baasaboorkooda, waxaana arrintaani fududeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Turkiga.

Wafdiga ugu horeeyay ee Baasaboorka maamulka Somaliland loogu dhuftay Fiisaha ayaa waxaa hogaaminaayay Madaxweynaha maamulka Axmed Siilaanyo iyo Qoyskiisa oo ay koow ka aheyd xaaskiisa.

Dowlada Turkiga ayaa dhowr jeer oo sii horeysay qaadacday in Somaliland ay u tixgaliso nidaam dowlad ah oo kamadax-banaan Somalia, waxaase iminka ay DFS aad uga carootay aqoonsiga dadban ee maamulka Somaliland loo sameeyay.

Fiisaha lagu dhuftay Baasaboorada mas’uuliyiintaasi ka tirsan maamulka Somaliland ayaa waxa uu horseedi karaa in dowlada Turkiga ay waxyaabo kale u sahasho maamulka.

Maamulka Somaliland ayaa waxa uu qeyb ka yahay maamulada hoostaga dowlada Somalia, markii laga reebo nidaamka iyo kala danbeynta ay dheer yihiin maamulada kale.


Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com