Is reereebka musharaxiinta 2016 iyo kiishashka lacagta (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Mansabka Madaxtinimadda ayaa loo wada arkaa mid uu Musharax kasta u xusul-duubayo, iyadoo Shaqsiga xilkaasi mar ku soo nolol qaatay uusan jeclayn inuu isaga huleelo Qasriga Madaxtooyadda ee Villa Somalia oo la dhihi karo waa Dhaxal Qaran.

Waxaa isweydiin mudan Maxay inta badan Musharixiinta u hiigsanayaan Xilka Madaxweynaha, oo Soomaali oo idil aan u wada qeybsami Karin.

Haddaynu milicsano Liiska Madaxweynayaashii xilalka isaga dambeeyey ee nolosha Villa Somalia iyo Kursiga Madaxweynaha sannooyin badan ku soo naalootay waxay kala yihiin:-

1-Madaxweyne Aadan C/lle Cismaan oo xilka hayey muddadii u dhexeysay sannadihii 1960-kii ilaa 1967-dii.

2-Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmarke, xilka hayey muddadii u dhexeysay sannadihii 1967-dii ilaa 1969-kii.

3-Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, oo xilka hayey muddadii u dhexeysay sannadihii 1969-kii ilaa 1991-kii.

4-Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, oo xilka hayey muddadii u dhexeysay sannadihii 1991-kii ilaa 1995-kii.

5-Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan, oo xilka hayey muddadii u dhexeysay sannadihii 2000-kii ilaa 2012-kii.

6-Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, oo xilka hayey muddadii u dhexeysay sannadihii 2004-tii ilaa 2008-dii.

7-Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, oo xilka hayey muddadii u dhexeysay sannadihii 2009-kii ilaa 2012-kii.

8-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo xilka qabtay sannadkii 2012-kii ilaa laga gaarayo bisha September ee sannadkan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xilli-hawleedkiisa Dastuuriga ku ekaanayo ilaa laga dooranayo Madaxweynaha xilligan waxa uu ku rajo weyn yahay inuu mar Labaad ku guuleysan doono Xilkaasi.

Haatan, ilaa Tobaneeyo Musharixiin ayaa bilaabay Ololahooda Doorashadda ee Madaxtinimadda, kuwaasi oo doonaya inay Siyaasadooda iib geeyaan iyo inay ku guuleystaan Doorashadda Madaxtinimadda oo lagu wado in loo codeeyo bilowga bisha September ee sannadkan.

Musharax kasta waxa uu sheegaa inuu diyaarsaday Ambaqaadka Qorshahiisa Shaqo ee uu ku hagi doono Dadka iyo Dalka Somalia, waaba haddii loo doorto Madaxweynaha soo socda ee Somalia.

Ajenda kasta oo ay Musharixiinta yool ka dhigtaan si ay u hiigsadaan Kursiga Madaxtooyadda ee Villa Somalia ayaa u muuqata mid qiimo SIyaasadeed leh, inkastoo aysan Doorashadu ahayn mid Furan oo ay Muwaadiniinta Soomaalida si xor ah ku dooran karaan Musharaxa ay u arkaan inuu u qalmo Xilka Madaxweynaha 9-aad ee Jamhuuriyadda Somalia.

Xeeldheerayaasha lafa-gura Arrimaha Siyaasadda ayaa rumeysan inay Musharixiinta kala han weyn yihiin, isla markaana ku kala duwan yihiin sababaha ay ugu xusul duubayaan Doorashadda Nooca Dadban ee lagu dooranayo Madaxweynaha soo socda.

Kuwo ka mid ah Musharixiinta ayaa ah Rug-caddaa Siyaasadeed oo aan ku cusbayn Masraxa Siyaasadda iyo Hoggaanka Qaranka, halka kuwo kalena lagu qiimeyn karo Layli-barad Siyaasadeed oo ay feer socdaan Musharixiin kale oo Magac-u-yaal ah, balse ay Musharixiin kale dan moodaan boos buuxiska Musharixiinta noocaasi ah.

Musharixiin kale ayaa jira oo marka la odoroso Halbeega Meeqaamka Musharixiinta Hankooda dhaafsiinayn inay Kayd Taariikheed (CV) ka dhigtaan inay mar isku sharxeen Xilka Madaxweynaha ee loo arko Xil Madaxeed wehel u ah dufan iyo macaash caynba cayn leh.

Sidoo kale, Doorashadda Madaxtinimadda ee soo socota ayaan la hubin inay noqon doonto sidii Doorashooyinkii hore ee Codka Xildhibaanadda codeynayo la iibsan jirey, mana kala cadda Awoodaha Goobjoogayaasha Caalamiga ee ay ku xakamayn karaan Doorashadda loogu yeero Cod ku bedelo Lacag “Vote For Cash”.

Si kastaba ha ahaatee, Halbeega Meeqaamka Musharixiinta Madaxtinimadda ayaa waxay Muwaadiniinta Soomaaliyeed quudaraynayaan inuu Doorashadani ku soo baxo Madaxweyne Waddani Daacad ah oo mideyn kara Ummadda kala irdhowday, isla markaana hayinka u qaban kara Danaha Qaranka iyo Rabitaanka Ummadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com