Xasan iyo CC oo kulamo gaar ah yeeshay iyo shakiga laga qabo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Labadii habeen ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho kulamo gaargaar ah ku yeelanayay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali.

Kulankaasi ayaa labada masuul waxay kaga hadlayeen arimaha amaanka, siyaasada iyo doorashooyinka sanadkaan ka dhacaya dalka Soomaaliya, mana jirin cid kale oo ka qeyb gashay kulanka.

Waxyaabaha ugu weyn ee ay ka wada hadleen labada masuul ayaa sida xogta aan ku heleyno waxaa ugu weyn cabsida laga qabo dib u dhaca ku yimaada doorashada sanadkan iyo soo xulida xubnaha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Labada masuul ayaa isku eedeynaya iney ka gaabiyeen arimaha doorashada sanadkaan, haar ahaan sidii loo dardargelin lahaa gudiga doorashada oo aan la dhameystirin iyo arimo kale.

Sida xogta aan ku heleyno madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ra’iisul wasaaraha ku wargeliyay in la joogo waqtigii xukuumadiisa ay dardar gelin laheyd arimaha doorashooyinka sanadkaan.

Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyey oo ay yeeshaan Madaxweynaha dawladda faderaalka Xasan Sheekh Maxamuud & Ra’iisulwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake tan iyo markii uu soo dhamaaday shirkii madasha Wadatashiga ee magaalada Baydhabo, ayaa ahaa mid xasaasi ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com