HADLIYE oo meel uga dhacay sharafta ciidamada qaranka..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga Caalamiga ee xukuumada Somalia, C/salaam Hadliye Omar oo wareysi gaar ah siinaayay Wargeyska New Times ee ka soo baxa magaalada Kigali ee dalka Ruwanda ayaa ka hadlay arrimo farabadan oo khuseeya xaalada dalka.

Wargeyska New Times, ayaa su’aasha ugu horeysa Wasiir Hadliye ka weydiiyay xiliga ay ciidamada AMISOM ka baxayaan Somalia, waxa uuna Hadliye sheegay inay adag tahay in dowlada Somalia ay ka raali noqoto in ciidamada AMISOM laga saaro dalka.

Hadliye waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM ay yihiin kuwo si rasmi ah u xaliyay dhibta ka jirtay Somalia, waxa uuna cadeeyay in qorshaha dowlada uu yahay in AMISOM ay sii joogto Somalia.

Mar wax laga weydiiyay Sababta ay ciidamada AMISOM kusii joogayaan Somalia maadaama ay Somalia dib usoo ceshatay rajada ciidamada Qaranka, ayaa waxa uu Wasiir Hadliye sheegay in ciidamada Somalia ay aad uga roonyihiin sidii hore, balse aysan awood u laheyn in xiligaani ay la wareegan gacan ku heynta dhammaan dalka.

Waxa uu sheegay in ciidamada Somalia aysan gaari karin heerka ay iminka gaarsiisan yihiin kuwa AMISOM, sidaa aawgeedna waxa uu sheegay inay adag tahay in ciidamada Somalia ay lawareegan dalka.

Mar wax laga weydiiyay khiyaas ahaan miisaanka ay ciidamada AMISOM ku dhex leeyihiin Somalia ayaa waxa uu sheegay inay aad u sareyso, waxa uuna cadeeyay in 80% ay wax ka badaleen xaalada Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay AMISOM dalka ka bixi doonaan marka ay Ciiddanka Qaranka Somalida awoodaan inay la wareegaan Mas’uuliyadda Ammaanka dalka iyo la-dagaalanka Kooxaha Argagixisadda Caalamiga.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa waxa uu ahaa “Ciiddanka Somalia wax fiican ayey haatan qabanayaan,.inkastoo aysan haysanin qalab ku filan iyo taageero ku filan”?

Dhanka kale, Wasiir Hadliye ayaa inta badan jecel in dalka ay kusii nagaadan ciidamada AMISOM, taasi oo sabab looga dhigay in dowladaha Africa ee ciidamada ka joogan Somalia uu muddo dhowr jeer ah la galay heshiisyo si uu ugu ololeeyo in ciidamada AMISOM ay sii joogan Somalia.

Madaxda Soomaalida ayaa inta badan maslaxada Qaranka ka hormariya tooda gaarka ah, taa oo ugu wacan wadaniyada oo aad ugu yar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com