Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Odayaasha kasoo horjeeda shirka ka socda magaalada Jowhar looga yeeray Xarunta QM ee magaalada Muqdisho.
Odayaashaani kasoo horjeeda shirka Jowhar ee iminka ku shirsan magaalada Beledweyne ayaa waxaa loogu baaqay inay iska soo xulaan tirro Odayaal ah oo u matala la kulanka mas’uuliyiinta QM ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Ujeedka u yeeritaanka Odayaashaasi ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay mid laga damacsan yahay in looga dhaadhiciyo ka qeyb galka Shirka ka socda Magaalada Jowhar oo la doonayo in Maamul mideysan loogu dhiso Gobolada Hiiran iyo Sh/Dhexe.
Odayaashaani ayaa sidoo kale, lagu qancin doonaa ballanqaadyo si gaar ah ay ugu sameyn doonaan madaxda QM ee ka howlgala magaalada Muqdisho.
Odayaashaani ayaa iminka ku howlan dadaalo ay isaga soo dhex xulayaan Odayaal u matasha kulankaasi oo ka dhici doona Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.
Ma cadda waxa uu noqon doono go’aanka Odayaasha oo ay la hortagi doonaan madaxda QM ee Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

