Xog: Oromo ka qeyb qaadatay dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya xogo dheeraad ah oo laga helaayo dagaalkii cuslaa ee ka dhacay dhinaca Koonfur galbeed magaalada Gaalkacyo kaasi oo u dhexeeyay ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ciidamo ka kala tirsan labada maamul iyo dad shacab ah, kuwaasi oo kuwada sugnaa deegaanada ay ciidamada isku farasaaren.

Isaaq Maxamed Cabdulle oo kamid ah dadka degan Koonfur galbeed ee magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid xoogan, waxa uuna tilmaamay in isagoo carar ah uu la kulmay ciidamo ka koobnaa 6 kuwaasi oo laba kamid ah ay ku hadlaayen Afka Oromada.

Waxa uu Isaaq sheegay in goortii ay kula hadleen Afka Oromada uu u sheegay inaanu garankarin balse markii danbe ay kula hadleen af Soomaali aan sal fadhiya laheyn, waxa uuna cadeeyay in ciidamada Puntland ay dagaalka kala qeybqaadanaayen dhalinyaro kasoo jeeda dalka Ethiopia gaar ahaan qowmiyada Oromada loo yaqaan.

Isagoo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ”Waxaan ahaa shaqsi ka cararaayay dagaalka iyo rasaasta anigoo maraaya meel qarda jeex ah ayaa waxaa i istaajiyay ciidamo ka tirsan Puntland ee dagaalka kula jiray kuwa Galmudug waxa ay igu amreen inaan marka hore baaro alaab aan gacanta ku waday”

”Goortii aan baaray dhammaan alaabtii aan waday waxaa af Oromo ku hadlay labo kamid ah ciidamadii Puntland ee i joojiyay waxaan ku iri anigu ma garanaayo kadib waxa ay igula hadleen af Soomaali aan sal fiican ku fadhin”

Isaaq Maxamed Cabdulle, waxa uu sheegay in ciidamada qaar ay kasoo jeeden qowmiyada Oromada waxa uuna arrin nasiib darro ah ku sheegay in shisheeye ay kamid noqdaan dagaal u dhexeeya Soomaali.

Deegaanada maamulka Puntland ayaa waxaa ku dhaqan muwaadiniin farabadan oo asal ahaan kasoo jeeda dhulka Ethiopia kuwaasi oo ugu badan Qowmiyada Oromada oo ku dhex milmay dadka kasoo jeeda deegaanada Puntland.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayuu ugu baaqay in baaritaan lagu sameeyo cutubyada ciidamadii ka qeybqaatay dagaalka labada maamul.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com