Aqriso sida beelaha Jubaland loogu qeybiyey xubnaha aqalka sare

Kismaayo (Caasimada Online) – Iyadoo ay shalay ku ekeyd waqtiga loo qabtay in maamulada dalka ku soo gudbiyaan liiska musharixiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa waxaa soo baxaya qaabka maamulka Juba u qeybiyay 8-da xubnood ee kasoo gaaray Aqalka sare.

Maamula Jubaland iyo Qaabka Beelaha loogu qeybiyay xubnaha Aqalka Sare:

1 – Beesha Mareexaan – 2
2 – Beesha Kuumade – 2
3 – Beesha Harti – 1
4 – Digil iyo Mirifle – 1
5 – Coormale – 1
6 – Hawiye: 1

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in xubnaha lagu qoray inay u tartamaan kuraasta aqalka sare ay ugu cadcad yihiin:

1 – C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) – Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jubaland
2 – Prof Maxamed Cabdi (Gaandi), – Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga dowladdii KMG
3 – Cabdi Maxamed Tarax – Madaxii Hay’adda Qaxootiga Qaranka ee dowladii Siyaad Barre

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com