Xog: Laba nin oo Damu-Jadiid ku xiran oo helis geliyey qorshihii Shariif Xasan

Baydhaba (Caasimada Online) – Labada Musharax ee u taagan xilka Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya ee kala ah Wasiirka Tamarta Iyo Biyaha Dowlada Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Iyo Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga Soomaaliya Maxamed Keeroow Maxamed ayaa wada qorshe ay ku qalqal galinayaan deganaashaha iyo amaanka deegaanada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Labadaan Musharax oo ay wataan Xisbiga Damul-Jadiid lana doonayo in lagu jabiyo hamiga Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isaga diidan inay sannadkaan qaataan xilka Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya oo dowladihi dalka soo maray oo dhan ay hayeen, waxuuna xilkaasi ku tilmaamay mid Beeshooda Digil iyo Mirifle lagu yasaaso laguna liidaayo waxuuna tilmaamay inay xaq u leeyihiin inay dalka ka qabtaan xilalka Madaxweynaha ama Ra’iisul-wasaaraha isla markaana sannadkaan ay u qorsheysan tahay in xilalkaasi midkood ay qabtaan.

Maxamed Mursal iyo Maxamed Keerow
Maxamed Mursal iyo Maxamed Keerow

Qorshaha Shariif Xasan si loo dhabar-jabiyo ayay Xisbiga Damul-Jadiid diyaariyeen laba masuul oo Digil Iyo Mirifle kasoo jeeda si ay labadaba isugu taagaan xilka Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya si hadii mid uu u waayo kan kale uu u noqdo Guddoomiyaha Barlamaanka.

Labada Masuul ee Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Maxamed Keeroow Maxamed ayaa dhawaan tageen magaalada Baydhabo waxayna la kulmeen Odoyada Beelahooda waxayna ka codsadeen in laga dhigo Xildhibaanada Beelahaasi u matalaya Barlamaanka Soomaaliya balse waxaa lagu xujeeyay inay dalacsiin usoo raadiyaan Saraakiisha Beelahooda, kadibna waxay dib ugu soo laabteen Muqdisho iyagoo qorsheynaya inay Waraaqo Been Abuur ah lagana sameeyay Suuqa Cabdulle Shideeye u geeyaan Odoyaasha taasoo ka dhigan mid qalqal iyo ammaan xumo ka abuureysa deegaanadooda.

Sida Caasimada Online ogaatay labadaan Masuul ayaa waxa ay adeegsadeen nin lagu magacaabo Cabdiqaadir Cali Dheere oo Suuqa Cabdulle Shideeye ka shaqeeya kaasoo maalinimada Sabtida ah u keenaya Waraaqo lasoo farsameeyay oo Been Abuur oo laguna qaldayo Odoyaasha loona sheegayo in Waraaqahaasi yihiin kuwo lagu dalacsiiyay 12 Sarkaal oo Beelahooda kasoo jeeda si ay Odoyada ugu helaan xilka Xildhibaanimo.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo hore Safiir ugu soo noqday dalka Turkiga hadana ah Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Dowlada Soomaaliya ayaa kasoo jeeda Beesha Lawaay oo asal ka timid Beesha Gari Koombe Daarood, waxaana lagu tilmaamaa nin aad u been badan isla markaana aad u xil jecel si kasta oo uu xil u helana u qiyaami kara Beeshiisa iyo Saaxiibadiisa.

Sidoo kale, Maxamed Keeroow Maxamed waxaa Siyaasada soo galisay Xildhibaanad Fowsiyo Maxamed Sheekh oo gurigeeda uu ku noolaa, waxuuna wax ku bartay Iskuulada ay maamuli jireen Madaxda Damul Jadiid oo uu Macalin markii dambe ka noqday waxuuna kamid noqday markii dambe Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya kadibna waxaa Xukuumada RW Sharmaarke loogu magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Ganacsiga Soomaaliya waxaa lagu tilmaa nin isla weyn Siyaasadiisana aysan fadhin aadna u Lacag iyo Dumar jecel waxuuna kasoo jeeda beesha Raxanweyn/Mirif/ Sideed/ Xariin/ Waraasile/Reer Macalin.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa qorsheynaya in Xildhibaan ka tirsan beelaha Hawiye ama Daarood uu ka dhaadhiciyo inuu noqdo Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya isagana ku taageerayo guusha xilkaasi kadibna uu Walaalkiis Maxamed Xaaji Cabdinuur Madeer oo hada ah Wasiirka Caafimaadka DFS uu noqqdo Madaxweynaha ama Ra’iisul-wasaaraha dalka, waloow Xasan Sheekh iyo Saaxiibadiisa ay wadaan qorshe lidi ku ah qorshaha Shariif-ka si aan marnaba carqalad u galin xilka Musharax Xasan Sheekh ee raba inuu mar kale noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaate, waxaa la saadaalinaya in Masuuliyiinta uu ugu horeeyaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Maxamed Keeroow Maxamed uu Shariif Xasan ka hor istaagi doono inay noqdaan Xildhibaano si aysan u fulin damacooda qabashada xilka Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com