Khilaaf ka dhex curtay guddiga doorashooyinka iyo sir soo shaac baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Guddiga iyo Xubnaha ka talada qaata uu iminka ka dhextaagan yahay khilaaf ku aadan shaqooyinka Guddiga.

Mid kamid ah Xubnaha Guddiga ayaa sheegay in khilaafka uu yahay mid ka dhashay kadib markii Guddoomiyaha Guddiga Cumar Dhagey uu isku dayaayo inuu burburiyo dhammaan sharciyada Guddiga isagoo raali galinaayo Madaxweynaha uu wakhtiga dhamaaday.

Waxa uu sheegay in Guddoomiyaha uu ku dhiiranaayo in gabi ahaan doorashada dalka uu ka dhigo mid aan dhicin, isagoo hirgalinaaya maslaxado gaar ah.

Waxa uu sheegay in Guddoomiyaha uu maalin waliba xubnaha ula imaado go’aano cusub, balse hadana uu ku cadaadiyo in laga gudbo go’aanadaasi, taasi oo lagu micneeyay mid Xubnaha qudhooda lagu dhalan-rogaayo.

Isagoo ka gaabsanaayo magaciisa mas’uulkaasi sababo amni darro ayuu yiri ”Waxaan garan la’ ahay halka Cumar Dhagey uu u hogaaminaayo dalkaani, waayo waxa uu shuruucda Guddiga ka dhigay la jiif-shaa banaan la joojiyaa banaan taa cidna kama aqbaleyso waxaa nasiib darro ah inaan ka been sheegno dhaartii aan marnay”

”Maalin cusub iyo go’aan cusub ayuu nagu marin habaabinayaa anagu xulisteenu maaheyn inaan u hiilino cid gaar ah ee waa inaan ka runsheegnaa wixii jira”

”Waxaan garan la’ahay halka dalkaani uu u wado Cumar Dhagey waayo waxa uu mar waliba u taagan yahay ka shaqeynta dib u dhac ku imaada doorashada anigu taa ma aanan garan”

Waxa uu tilmaamay inay suuragal tahay in gabi ahaan doorashada dalka aysan dhicin, si xilka uu usii hayo Madxaweynaha uu wakhtiga ka dhamaaday.

Dhinaca kale, waxa uu ku baaqay in laga gaashaanto dhibta uu Cumar Dhagey usoo hogaaminaayo dalkaani curdunka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com