Faroole oo dabeecadihiisii hore dib u billaabay isaga oo u digay…

Garoowe (Caasimada Online) – Iyadoo madaxda ugu sareysa dalka ay dhaqan iyo caado ka dhigteen dib u dhacyo doorashada Somalia ee 2016-ka, ayaa waxaa arrintaasi si carro leh uga hadlay Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Faroole.

C/raxmaan Faroole, waxa uu sheegay in DFS ay iminka wado qorsho ay ku dooneyso wakhti kororsi, waxa uuna tilmaamay in qorshahaasi hirgalintiisa uu iminka socdo.

Faroole waxa uu sheegay in qorshahaani uu dhashay kadib markii ay dowladu marar badan ay dib u dhac ku sameysay doorashada, balse iminka uu madaxdu u harsan yahay keliya wakhti kororsi aan ganbasho laheynloo dhigay waqtiga Doorashada.

Faroole waxa uu sheegay in dalka uu ku jiro xaalad khatar ah marba haddii dowladu ay cuuryaamineyso doorashada wakhtigeeda laga soo gudbay.

Amniga magaalada Muqdisho ayuu sheegay inuu yahay mid aan sal fiican ku fadhin, waxa uuna Faroole carabka ku dhuftay in DFS looga baahan yahay amni leysku haleynkaro.

Faroole waxa uu sidoo kale, Wakiilada Beesha Caalamka ugu baaqay in ay soo fara geliyaan siyaasiyiinta hada Doorashada Somalia qaab siyaasadeysan howlo kale ugu dhex wata.

Waxa uu Faroole sheegay inay jiraan Siyaasiyiin dhowr ah oo aan daacad ka aheyn doorashada, balse doonaaya inay ku maareeyaan misna uga dhex faa’iideystaan arrimo kale oo aan qaab kale loo maareynkarin.

Haddalka C/raxmaan Faroole ayaa imaanaya iyadoo dhowr jeer ay dowlada Somalia ku fashilantay inay qabato doorashada xiligeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com