QM oo ceyrisay sarkaalkii dhacay dhaqaalaha loogu tallo galay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda QM ayaa shaqada ka burisay mid kamid ah mas’uuliyiintii ugu sareeyay kadib markii lagu helay kiis la xiriira musuq-maasuq iyo isdabamarin.

Sargaalkaani shaqada laga buriyay ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa Agaasimaha Xafiiska UNSOM iyo weliba UNSOA, waxaana magaciisa lagu sheegay Amadu Kamara.

Amadu Kamara, ayaa la sheegay inuu musuq-maasuqay dhaqaale loogu tallo galay in lagu taabagaliyo ciidamada Qaranka Somalia, waxaana la tilmaamay in dhaqaalahaasi uu u adeegsaday mashaariic isaga u gaara.

Amadu Kamara, ayaa kasoo jeeda dalka Senegal, waxaana shaaca laga qaaday inuu musuqay isla markaana mashaariic ku abuurtay dhaqaale xoogan oo lagu caawinayay dib u dhiska ciidamada Dalka Somalia.
qm

Hay’addu wali kama aysan hadal eryinta Agaasimahaani markii laga soo tago qoraal kusoo baxay Wargeyska The All-East-Africa oo soo xiganaaya ilo wareedyo heer diblumaasi ah.

Maaha markii ugu horeysay oo dhaqaale loo qoondeeyay Somalia ay xubno ka tirsan QM isdabamarin ku sameeyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com