Keating oo ka digay laba arrin oo halis ku ah mustaqbalka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Ketaing, ayaa shaaca ka qaaday in dalka Somalia uu halis ugu jiro fashil Siyaasadeed.

Micheal Ketaing, waxa uu sheegay in haliska ugu weyn ee kusoo fool leh Somalia ay tahay dib u dhac Siyaasadeed, waxa uuna sheegay inuu walaac gara ka qabo in Somalia ay dib ugu laabato dhowrkii sano ee tagay.

Micheal Ketaing, waxa uu carabka ku dhuftay in Siyaasada Somalia ay saldhig u noqotay afduub Siyaasadeed iyo dano gaara, waxa uuna ka digay in Siyaasada Somalia ay sidaani kusii socoto.

Waxa uu farta ku goday in Siyaasad xumida kusoo korortay Somalia, ay sababi karto in guud ahaan dalka uu waayo cadaalada, isla markaana ay meesha ka baxdo dimuquraadiyada.

”Somalia waxa ay dib ugu laabaneysaa dhowrkii sano ee laga soo gudbay haddii aan wax laga bedelin sida ay ku shaqeynayaan ragga hormuudka u ah dalka”

Micheal Ketaing, waxa uu sidoo kale, carab dhabay in Dowladu ay ku mashquushay keliya arrimaha doorashooyinka, hayeeshee loo baahan yahay in la helo qorsho ka duwan kan iminka ay ku shaqeynayaan Hay’adaha amaanka.

Geesta kale, waxa uu ku baaqay in wax muuqda lagu soo biiriyo dalka, si aanu u dhicin dib u dhacyo saameyn leh, waxa uuna ka digay in Somalia lagu sii maamulo Siyaasad lamid ah tan iminka taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com