Madaxweyne Muhammadu oo qaaday tallaabo ku dayasho mudan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari oo u waramaayay warbaahinta dalkaasi ayaa ku dhawaaqay in dowladiisu ay iibineyso qaar kamid ah diyaaradaha raaxada ee Madaxtooyada dalkaasi u gaarka ah.

Buhari waxa uu sheegay in ku tasarufka dhaqaalaha dalkiisa ay qeyb ka yihiin diyaaradaha dhowrka ah oo ay isticmaasho Madaxtooyada.

Waxa uu sheegay in la iibinaayo 2 kamid ah 10ka diyaaradood ee Madaxtooyada Nigeria, waxa uuna sheegay in iibinta diyaaradahaasi ay suuragalin karto dib usoo kabashada dhaqaalaha dalkiisa.

Buhari waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu arrin maalaayacni ah u arko in diyaarado intaasi dhan ay isticmaasho Madaxtooyada Nigeria.

Waxa uu Mr Buhari Wasaarada duulimaadyada iyo Agaasinka Madaxtooyada ku amray in 8 diyaaradood ee kasoo hartay labada diyaaradood ee la iibinaayo si shuruud la’aan ah loogu wareejiyo ciidamada cirka ee Nigeria.

Go’aanka Madaxweyne Buhari ayaa ah talaabo si aad ah looga hadal hayo dalkiisa waxa uuna sidoo kale ku baaqay in wax laga bedelo hanaanka lagu bixiyo dhaqaalaha wasaarada maaliyada iyo Bankiga Dhexe ee dalka Nigeria.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com