Galmudug iyo Puntland oo ciidan farabadan soo dhoobay goobihii dagaalka ka dhacay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dadka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayaa aad uga cabsi qaba in maanta mar kale ay magaalada ku diriraan ciidamada Galmudug iyo Puntland oo ay dirirto ka dhaxeyso.

Dadka shacabka ah ayaa dhagta u taagaya Idaacadaha maxaliga si ay ula socdaan xaalada ka hor inta aysan u ruqaansan goobaha shaqooyinka iyo waxbarashada.

Waddooyinka qaar ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo aad u farabadan oo ka kala tirsan labada dhinac, waxaana sidoo kale go’an qaar kamid ah waddooyinka ugu muhiimsan oo ay kala xirteen labada ciidan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in maamulada Puntland iyo Galmudug ay habeenimadii xalay ciidamo xoogan kala geeyen xaafadaha qaar ee magaalada hoostaga, waxaana ciidankaasi ay saakay goof wareegayaan xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa waxaa ku baxay waxgarad iyo sidoo kale Culimada deegaanka oo iyagu doonaaya inay xal u raadiyaan colaada uu dhiiga badan ku daadanaayo.

Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa shalay ku dagaalamay Gaalkacyo waxaana ku dhintay ku dhawaad 9 qof , halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com