Daawo sawirro laga soo qaaday Jawiga magaalada Gaalkacyo dagaalka kadib

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug, kaasi oo ka dhacay deegaano hoostaga magaalada Gaalkacyo.

Dagaalkaani oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa ku dhimatay ugu yaraan 9 qof halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan.
Dagaalka ayaa intiisa badan ka dhacay xaafad ku taalla dhinaca Galbeed ee magaalada Gaalkacyo.

Bishii November ee sannadkii hore ayey labada dhinac ku dagaalameen magaalada Gaalkacyo waxaana dagaalladaasi ku dhintay tobannaan qof.

Dawladda Somalia ayaa markii dambe ku guulaysatay inay heshiis kala dhex dhigto labada dhinac.
gaalkacyo-1

gaalkacyo-2

gaalkacyo-3

gaalkacyo-4

gaalkacyo-5

gaalkacyo-6