Xog: Qaar ka mid ah wejiyada cusub ee kasoo muuqan doona golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in 3; Wasiir oo kamid ahaa xukuumaddii Raisalwasaare Cumar Cabdirashiid; ay kamid noqon doonaan xukuumadda Raisalwasaare Kheyre; kaddib wadahadal dheer oo u dhexeeyey todobaadyadii tegey madax katirsan Xukuumadda Raisalwasaare Kheyre.

Maxamed Aadan Fargeeti, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo Cabdirisaaq Cumar Maxamed; ayaa kamid ah wejiyada la filayo in ay soo galaan golaha xukuumadda.

Waxa lagayaabaa in Cabdirisaaq Cumar Maxamed; loo dhiibo wasaaradda Waxbarashada, halka Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), lagayaabo in uu ku soo baxo Wasaaradda Ganacsiga.

Maxamed Aadan Fargeeti; waxa suuragal ah in caado siyaasadeedka 4.5; ay si weyn u saameyso, balse si walba waxa uu kamid noqon doonaa golaha wasiirada.

Sababaha

Dadaal badan iyo abaabul ay sameeyeen siyaasiyiintan qaarkood oo kaashanaya madaxda maamulada ay ka soo jeedaan,xildhibaanada ku metela Baarlamaanka iyo daacadnimo ay qaarkood u muujiyeen madaxda xukuumadda ayaa lagayaaba in ay sabab u tahay in ay soo gaalaan golaha xukuumadda.

Haddii ay tani dhacdo sida la filayo waxa xilalkoda waayi doona wasiirada ganacsiga iyo Waxbarashada, kuwaas oo lagayaabo in ay xilka u weynayaan xiriirka ay la leeyihiin madaxda xukuumadda, iyada oo ay suuragal tahay in wasiirka waxbarashadu uusan xiriir fiican la lahayn tusaale ahaan madaxtooyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com