Maxaa looga doodayaa kulanka xildhibaanada BF ee maanta qabsoomi doona?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ay yeeshan kulankooda caadiga ahaa kaa oo ka dhici doona Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Fariimo ay gudoonka baarlamaanka Somalia u direen Xildhibaanada ayaa waxaa lagu faray inay soo xaadiraan kulanka si looga doodo ajandaha kulanka.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah ka doodista miisaaniyada 2018, oo Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ay maanta ka doodi doonaan.

Ka doodista ajendaha kadib ayaa waxaa la filayaa in Xildhibaanada baarlamaanka ay ansixiyaan.

Sidoo kale, miisaaniyada dowladda ee 2018 ayaa ka badan tii Sanadkan sii dhamaanaya ee 2017, waxa ayna miisaaniyada intaa la eg noqoneysaa tii ugu horeysay miisaaniyada dowladda oo lagu soo daray miisaaniyada dhismaha Xarunta Akeedamiyada Fanka iyo Suugaanta.

Dhinaca kale, ansixinta miisaaniyada kadib dowlada Federaalka ayaa looga fadhiyaa inay qoondeyso bixinta miisaaniyadaas wallow aan la ogeyn qaabka ay u maareyn doonto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com