Xog: Qalbi-Dhagax oo iska diiday hal arrin oo uu usoo jeediyay xildhibaan FIQI.!!

Nairobi (Caasimada Online)- Waxaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kulan saacado qaatay ku yeeshay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan baarlamaanka Somalia iyo Sarkaalka ONLF Cabdikariin Qalbi-Dhagax.

Kulanka Xildhibaan Axmed Fiqi iyo Qalbi-Dhagax oo ku saleysnaa arrimaha Somalia ayaa waxaa si gaara diirada loogu saaray dhiibista Sarkaalka waxa uuna Xildhibaanka ka cudur daartay in dhiibista Qalbi-Dhagax uusan raali ka aheyn.

Xildhibaan Axmed Fiqi ayaa Qalbi-Dhagax u sheegay in dhiibistiisa ay kaalin weyn ka qaaten Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre, waxa uuna sidoo kale u xaqiijiyay in dhiibistiisa aysan taageerin Xildhibaanada, sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Fiqi oo miisaan ku dhex leh garabka mucaaradka dowlada ayaa Qalbi-Dhagax usoo bandhigay inay u furan tahay kusoo biirida garabka mucaaraadka maadaama uu xadgudub ka tabanaayo dowlada.

Fiqi waxa uu Sarkaalka Qalbi-Dhagax u cadeeyay in cid waliba ay u furan tahay inay ka dhiidhiso khaladaadka ay ku dhaceyso dowlada sidaa aawgeed ay aad usoo dhaweynayaan inuu qeyb ka noqdo garabka mucaaradka ee u taagan sixitaanka khaladaadka jira, hase yeeshee waxaa soo jeedinta Fiqi aan jawaab ka bixin Qalbi-Dhagax oo wareysigiisa asbuucan shaki ku galiyay in Madaxda dalka ay kaalin ku leedahay dhiibistiisa.

Axmed Fiqi oo wakiil u ahaa Xildhibaanada garabka mucaaradka ayaa sidoo kale Qalbi-Dhagax u sheegay inay u sameyn doonaan casuumaad isaga iyo Saraakiisha ONLF ee ku sugan magaalada Nairobi waxa uuna intaa raaciyay inay muhiim tahay inay ka fiirsadaan hadii ay jiraan dalabyo kaga imaanaya dowlada.

Qalbi-Dhagax oo ka meermeeraya aqbalaada soo jeedinta Xildhibaan Axmed Fiqi ayaa sheegay inuu latashi la sameynaayo Saraakiisha ONLF ka hor inta uusan qaadan go’aan.

Xildhibaano ay kamid yihiin Fiqi, Mahad salaad iyo Odawaa oo aad uga soo horjeeda dowlada ayaa ahmiyad gaara u arka in Qalbi-Dhagax ay xiligaan uga gudbaan Siyaasada cakiran, iyadoo ujeedka ugu weyn uu yahay inay u adeegsadan dagaalka ay kula jiraan dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com