Xog: MAGACYADA qaswadayaal cusub oo ka dhex dhashay Khilaafyada DFS

Muqdisho (Caasimada Online)– Iyadoo ay Mucaarad badan ku kacsan yihiin Dowlada Federaalka Somalia, ayaa waxaa hadana soo ifbaxaayo inay soo baxeen Qaswadayaal cusub oo lid ku ah Hanaanka Dowladnimo.

Qaswadayaasha Cusub, ayaa la sheegayaa inay u badan yihiin Xildhibaanadii hore ee Dowladii ku-meel-gaarka aheyd iyo Odayaal kasoo horjeeda Xassan sheekh, kuwaasi oo iyagu isku baheysanaaya sidii qarka looga tuuri lahaa Dowlada Xassan Sheekh.

Qaswadayaasha Cusub ayaa waxaa kamid ah shaqsiyaad horay usoo noqday Xildhibaano oo ay kamid yihiin, Ex Xildhibaan Bakistaan, Xaaji Shukri, Maxamed Cabdi laangare, Maxamed Xuseen Food yar iyo Xildhibaano horay uga tirsanaa Dowladii hore ee Sheekh Shariif.

Qaswadayaashani Cusub, ayaa waxa ay ku kulmaan Hoteelada Muqdisho sida Jazeera, City Palez, iyagoona ka arinsada duleelada ay ka weerari lahaayen Siyaasada Dowlada gaar ahaan Madaxweyne Xassan oo ay ku kacsan yihiin.

Ex Xil. Maxamed Xuseen Food yar oo ka tirsan Qaswadayaasha Cusub ayaa waxa uu sheegay in Amaankooda uu halis ku jiro, waxa uuna cadeeyay in dilalka Xildhibaanada laga soo agaasimay Villa Somalia, xilli uu ka hadlaayay kulan iyaga dhex maray.

Qaswadayaasha ayaa waxa ay ka wada siman yihiin mucaaradka Dowlada Xassan Sheekh, waxa ayna wacad ku marayaan inay Musuq-maasuqyada iyo Dilalka ka dhanka ah Xildhibaanada ay u gudbin doonaan Beesha Caalamka, iyagoona Tilmaamay inay gudbin doonaan Warqado iyo codad horay loogu hanjabay Xildhibaanadii la dilay.

Dhanka kale, Qaswadayaashani ayaa waxaa kamid ah Odayaal dhaqmeedyo iyagu wax kasoo dhisay Dowlada Madaxweyne Xassan Sheekh, waxa ayna ka cabanayaan daryeel la’aan kaga imaaneysa dhanka Dowlada.

Ugaas Maxamed Bashiir waxa uu kamid yahay Qaswadayaasha Cusub, waxa uuna Tilmaamay in Dowlada Xassan Sheekh ay ku fashilantay Ammaanka iyo horumarka Dalka iyo dadka, waxa uuna Tilmaamay in la joogo xiligii laga soo horjeesan lahaa Dowlada Federaalka.

Waxa uu ballan qaaday inay meel uga soo hari doonaan Siyaasadaha qalafsan oo ay la daal dhacayaan Madaxda Dowlada, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com