XOG: Maxaad kala socotaa HESHIISKA Axmed Madoobe iyo Faarax C/qaadir?

Kismaayo (Caasimada Online) – War xog ogaal ah oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in xiriir qarsoodi ah uu ka dhexeeyo Axmed Madoobe iyo Faarax C/qaadir oo iminka ah Wasiirka Garsoorka Soomaaliya.

Xiriirka labada nin, ayaa ah mid siyaasadeed iyo mid ganacsi intaba, sida aaan xogta ku helnay. Faarax C/qaadir, ayaa ahaa ninkii Axmed Madoobe u xalaaleeyey gobollada Jubbooyinka.

Axmed Madoobe iyo Faarax C/Qaadir, ayaa la tilmaamayaa inuu ka dhexeeyo ganacsi dhanka dhoofinta dhuxusha, iyadoona la sheegay in ka hadalka joojinta dhuxusha uu hakat galiyay Faarax C/qaadir oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Xasan, islamarkaana horumuud ka ahaa heshiisyadii DFS iyo MKG Jubba ku dhex maraayay Magaaladda Addis Ababa ee xarunta Dalka Ethiopia.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Heshiiska Labada Mas’uul uusan intaa ku ekeyn balse ay sii jiraan ganacsiyo badan oo ay kamid yihiin Arrimaha la xiriira Badda Somalia oo ay Kenya dooneyso, islamarkaana uu dalaal ka yahay Axmed Madoobe.

Heshiiska ganacsi ee ka dhexeeya Axmed Madoobe iyo Faarax C/qaadir ayaa waxa uu bilowday Sanad ka hor, inta Faarax C/qaadir uu ahaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somalia, waxaana la tilmaamayaa in mashruucaasi ay gadaal ka riixeyso Dowlada Ethiopia.

Dhanka kale, Faarax C/qaadir iyo Axmed Madoobe, ayaa iyagu hortaagan fulintii Heshiiskii August 28, 2013, lagu gaaray Addis Ababa waxa uuna Heshiiskaasi dhigaayay in muddo 6 Bilood ah maamulka Dekedda Kismaayo uu maamulka Axmed Madoobe sii hayo, kaddibna dowladda Federaalka lagu wareejiyo, in garoonka diyaaradaha Kismaayo muddo 30 cisho gudahood ah dowladda Federaalka lagu soo wareejiyo iyo In la joojiyo dhoofinta Dhuxusha sharci darada ah, waxaana meesha ka baxeysa dhoofinta Dhuxusha iyo Dekada waa haddii uu Faarax C/qaadir soo afjaro Heshiiska, taasi oo muujineyso Ganacsiga.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

caasimada@live.com