XOG: Siyaasi rabo inuu jaan rogo DFS oo Muqdisho soo gaaray (Waa kuma?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Somalia soo gaaray Siyaasiyiin Mucaarad ku ah Dowlada Xassan Sheekh Maxamuud oo uu kamid yahay Taliyihii hore ee sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Axmed Fiqi.

Axmed Fiqi ayaa waxaa la sheegayaa inuu Magaalada Muqdisho ka wado olole ka dhan ah dowladda Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Fiqi, ayaa waxa uu ka yimid magaalada Nairobi, waxaana lagu tilmaamay ujeedka imaanshihiisa inuu yahay mid siyaasadeysan oo ka dhan ah Dowlada Xassan Sheekh.

Waxa uu durbadiiba Muqdisho ka bilaabay kulamo uu la qaadanaayo Siyaasiyiin Mucaarad ku ah Dowlada Federaalka Somalia, oo qaarkood ay yihiin xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Axmed Fiqi, ayaa ah nin aan qarsan inta badan dhaliilahiisa ku aadan dowladda Soomaaliya, isaga oo qoraallo ka dhan ah mar-walba soo dhiga bartiisa Facebook.

Waxa uu xiligaani Hoteelada Muqdisho kula kulmaa inta badan Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Madaxweynaha, waxa uuna Go’aankoodu yahay inay qarka ka tuuran Dowlada Dam-Jadiid.

Dhanka kale, Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa laga dareemayaa Kacdoon Siyaasadeed oo ku wajahan Dowlada Federaalka, iyadoona Hoteeladu ay siyaabo kala duwan ugu shirayan Qaswadayaasha diidan dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com