Sawirro: Siyaasi ku eedeeyay M/weynaha inuusan xilka hayn karin

Wakiilka Xisbiga Madaxweyne Hassan Sh uu ka tirsanaa ee Nabadda iyo Horumarka ee qaarada Yurub Mudane Hassan Cabduqaadir Muudeey ayaa waxa goob fagaare ah uu ka sheegay inaanu aheyn Madaxweyne Hassan Sheekh ruux ka bixi kara Kursiga Madaxweynenimada Soomaaliya,waxana uu intaasi ku daray inuu haatan ku fashilmay xilkii ay Shacabku u igmadeen.

Hassan Cabduqaadir Muudeey oo dhawaan ka hadlayay Xaflad ka dhacday Dalka Sweden taas oo isugu yimaadeen Masuuliin ka tirsan Xisbiyada Siyaasada dalka Sweden Wakiilo ka kala socday Shirkadaha dalka, qaar ka trsan Madaxda Dowladda Sweden iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Borlnge ee dalka Sweden ayuu si qoto dheer uga sheekeeyay Marxaladihii kala gadisnaa ay soo martay Siyaasada Saaxiibkiis Hassan Sheekh Maxamuud oo haatan ah Madaxweynaha dalka iyo geedi Socodka nabada dalka isagoo intabadan warbixintiisa ku muujiyay rajo beel taas oo uu tiir uga dhigay fashilka Siyaasadeed ee ku yimid xiligan Hogaanka dalka waa sida uu hadalka u dhigaye.xasan-xisbi-1Hassan Muudeey Wakiilka Xisbiga Nabadda Iyo Horumarka Qaarada Yururb ayaa Waxa Shacabka Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta Xisbiyada Dalka usheegay in haatan Dalka Soomaaliya halis ugu jiro Macluul Iyo Gaajo taas oo ay ak dhalan karto Xaalada Siyaasadeed ee qalafsan.

Wakiilka Qaarada Yururb ayaa waxa uu heydaha kala gadisan ee dalkan oo qaarkood xaflada ka soo qeyb galay usheegay in uu dalka Dhawaan ka yimid goor dhawna uu ulaaban doono isagoo warbixinta uu ka sida ku macneeyay mid khatar ah.
“Runtii Dalkii Soomaaliya een dhawaan ka imid waxaan ka sheego mahaayo oon ka aheyn kaliya inay dalka sidey doonaan yeelaan Kooxda Damujadiid oo Hantida Dalka lunsatay. xasan-xisbi-2xasan-xisbi-3xasan-xisbi-4xasan-xisbi-5