Cudur halis ah oo laga cabsi qabo inay ciidamada Amisom keenaan Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada AMISOM Korneel Cali Aadan Xumad oo la hadlay wakaalada wararka AP ayaa sheegay in la joojiyay askarta AMISOM ee la keenayay Soomaaliya kuwaasoo lagu badalayay askartii horrey u joogtay dalkaas.

Wuxuu sheegay in arrintaas ay u yeeleen markii dalal badan oo ku yaalla galbeedka Afrika uu ka dilaacay cudurka halista ah ee EBOLA kaasoo hadda gallaaftay ku dhawaad 800 oo qof.

Wuxuu sheegay in si gaar ah loo joojiyay askarta ka immaan jirtay dalka Siraliyoon maadama dalkaas uu ka mid yahay dalalka sida ba’an uu ugu dilaacay.

Wuxuu sheegay oo kale, in AMISOM ay wax ka badaleyso qorshaha ciidamada la isku badalo ee qeybta ka ah howgalka Midowga Africa ee AMISOM.

03-06-amisom-pkeepersAfhayeenka AMISOM wuxuu caddeeyay in AMISOM aaney diyaar u ahayd in Soomaaliya ay keento cudurka EBOLA.

Waddamada Itoobiya iyo Kenya ayaa billaabay in ay baaraan dadka ka immaanaya waddamada ka immaanaya galbeedka Afrika.

Si kastaba, waxaa soo badanaya walaaca laga muujinayo ciidamada AMISOM kuwaasoo laga yaabo in cudurka EBOLA ay keenaan dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com