Xog: Qeybdiid oo kulamo adag iyo qorshe weyn ka wada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) uu magaalada Muqdisho kawado kulamo looga soo horjeedo dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Kulamada uu wado Qeybdiid, ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo maqnaanshiyaha xuquuqda Beeshiisa, gaar ahaan lafta uu kasoo jeed.

Qeybdiid, ayaa kulamada looga soo horjeedo dowlada ku doonaayo inuu ku muujiyo sida DFS ay isaga indha tirtay Xuquuqda Beeshiisa oo la dafiray, waxa uuna ku doodayaa in lafta uu kasoo jeedo laga wada qaaday kuraastii ay ka hayeen dowlada, halka xilalka cusub ee la magacaabayna aysan waxba ka helin.

Xildhibaan Qeybdiid, ayaa kamid ahaa shaqsiyaadkii usoo halgamay dalka waxa uuna iminka muujinayaa in DFS ay lumineyso kalsoonida Beeshiisa maadaama aan dowlada waxba laga siin, sidoo kalane laga qaaday kuraastii ay kaga fadhiyeen dowlada.

Dowlada cusub ayaa lagu dhaliilayaa inay u roonaatay beelo gaara, halka beelaha qaarna aysan siin maqaamkii ay ku lahaayen dalka, gaar ahaan saami qeybsida dowlada.

Dhinaca kale, waxaa jira beelo dhowr ah oo ka cabanaaya xaqiraad lagu sameeyay, kadib markii laga qaaday xilalka ay hayeen, isla markaana lasiin xilal cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com