27 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Xog: Qorshaha cusub ee Uhurru ee Soomaaliya oo caqabad ay soo wajahday (Yaa is-hortaagay?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxda Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo AMISOM ayaa ka hor yimid qorshe madaxweynaha Kenya la tegay Shirkii Midowga Afrika oo uu ku sheegay in lagu xoojinayo waxna looga bedelayo howgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socda.

Sariikiisha AMISOM iyo wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa la sheegay inay Guddiga ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika gaarsiiyeen inay darsayaan dalabka Kenya iyo wax ka bedelka Qorshaha AMISOM oo kadib ay fekerkooda u gudbin doonaan Midowga Afrika.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa la sheegay inuusan dalalka kale ee AMISOM ka mida kala tashan qorshaha uu wato oo ah in ciidamo cirka iyo Badda ah lagu daro ciidamada AMISOM oo uu doonayo in ciidamadiisa laga qaato.

Dowladaha Itoobiya iyo Uganda oo ka mida kuwa ugu waaweyn ee ciidamadooda ka mid yihiin AMISOM ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan qorshaha uu wato madaxweynaha Kenya, waxaana lagu wadaa shir uu qabanqaabinayo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle in looga hadlo arrintan, shirka ayaa lagu casuumay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ka mida AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News