XOG: Qorshaha DF ee uu caqabada ku noqday Simon Mulongo ee keenay in la eryo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxeysa sababta ay dowladda federaalka Soomaaliya dalka uga ceyrisay ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Simon Mulongo.

Warqad 4-tii November kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ayaa Simon Mulongo ku eedeysay “inuu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya,” waxayna ku amartay inuu dalka uga baxo toddoba maalmood gudahood.

Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa horey Caasimada Online ugu sheegay in Mulongo uu ku kacay xadgudubyo ay ka mid yihiin; arrimo dhaawacaya qarannimada Soomaaliya, baqemaal (Black Mailing) ka dhan ah siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah madax Soomaaliyeed, u jaajuusidda hay’ado shisheeye, iyo qodobo kale,

Xog cusub oo aan helnay ayaa sheegeysa in arirnta dhaawaceysa qarannimada Soomaaliya ee lagu eedeeyey Mulongo ay tahay inuu caqabad ku noqday qorshaha kala guurka Soomaaliya “Somali Transition Plan” oo ah isku dayga ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay Amisom ugala wareegto amniga, dalkana ay uga baxaan ugu dambeyn 2023.

Midowga Afrika ayaa bishii tagtay soo jeediyey qorshe kaas ka duwan oo ah in howlgalka Amisom loo beddelo mid ay ku mideysan yihiin QM iyo Midowga Afrika, kaasi oo dowladda federaalka ay ka hortimid.

Mulongo ayaa la rumeysan yahay inuu yahay maskaxda ka dambeysa qorshahaas, ay sida weyn u diiday dowladda federaalka. 

Maalin ka hor inta aan la ceyrin Mulongo, 3-dii November ayaa wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Cabdirisaaq waxa uu twitter soo dhigay qoraal u muuqday inuu horudhac u ahaa ceyrinta Mulongo

“Soomaaliya waxay xaqiijin doontaa hirgelinta Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya, qof walba waa lagula xisaabtami doonaa ficilladeeda, cidna looma ogolaan doono inay carqaladeyso qaranka Soomaaliyeed, ma joogno meel aan dib uga laabano,” ayuu yiri. 

Mulongo oo isaga oo Muqdisho jooga khadka taleefonka kula hadlay wargeyska Daily Monitor ee dalka uu kasoo jeedo ee Uganda ayaa yiri “aad ayaan ula yaabay ceyrinta sababtoo ah waxaan ogahay inaan sameyn wax khalad ah.”

“Luuqadda lagu adeegsaday qoraalka diblomaasiyadeed ee dowladda fadeeraalka waxaa ku jira weero aan faah-faahintooda iyo macnahooda aan garaneyn. Ma aqaan wax sabab ah oo aan ogahay in go’aankan loo qaatay. Wax fikir ah kama haysto waxa ay arrintan ku saabsan tahay. Waxaan doonayaa inaan la macaamilo xaqiiqooyin ee ma ahan ku-tiri ku-teyn,” ayuu yiri Mulongo.

Mar wax laga weydiiyey tallaabada xigta, Mulongo waxa uu sheegay inuu hoggaanka Midowga Afrika ka sugayo inay jiheeyaan, sidaas darteedna uusan waxba oran karin.