Muxuu yahay heshiiska laga gaaray hannaanka saami qeybsiga kheyraadka dalka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa heshiis rasmi ah oo laga gaaray hannaanka saami qeybsiga ee Kheyraadka dalka, kaas oo muddo soo socday, isla-markaana ay soo wadeen dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Guddiga wasaaradaha ee u xilsaaran ka soo talo bixinta iyo isla go’aaminta arrimaha kheyraadka ayaa ugu dambeyn si wadajir ah u ansixiyay heshiis ku saabsan hanaanka saami qeybsiga wax soo saarka dalka, kaas oo muhiim u ah ka faa’iideysiga kheyraadka.

Cabdirashiid Maxamed Axmed oo ah wasiirka Batoolka iyo Macdanta Soomaaliya oo ka warbixiyey heshiiskan ayaa ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo horumarka loo qaaday.

“Waa talaabo muhiim ah oo hubaashii kaalin ka ciyaareysa dadaaladeena aan ku sahmineyno ugana faa’iideysaneyno kheeyraadkeena, si aan ugu faa’iideyno Qarankeena,” ayuu yiri wasiirka badroolka iyo macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Sidoo kale dowladda federaalka ayaa ku howlan in aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba la fahmo, loona diyaar garoobo qaabka loo soo saarayo kheyraadka dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa hadda isu diyaarisay in ay ka faaa’iidaysato kheyraadkeeda dabiiciga ah, si dadka Soomaaliyeed iyo dalkaba ay u gaaraan horumar ballaaran.