CC Shakuur oo soo jeediyey dalab la xiriira Drones-ka lagu qabtay garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta soo saaray dalab xasaasi ah, kadib isku daygii dil ee uu xalay ka bad-baaday ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq, isaga oo soo jeediyey in si weyn loo baaro diyaaradaha Drones-ka ah ee dhowaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in isku dayga dil ee ra’iisul wasaaraha Ciraaq loo adeegsaday Drone qarax loogu soo xiray, sidaas darteedna uu ku talinayo in si madax bannaan loo xaqiijiyo waxa ay yihiin diyaaradaha lagu qabtay magaalada Muqdisho.

“Maadama xalay Raysalwasaaraha Ciraaq uu ka badbaaday isku day dil oo loo adeegsaday drone qarax loogu soo xiray, waxaan dalbanaynaa in si madaxbannaan loo xaqiijiyo waxa ay tahay drone ka la sheegay in Xamar lagu qabtay” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ha’yadaha iyo dowladaha waaweyn ee Soomaaliya haatan ka caawiya ammaanka inay laamaha amniga ku gacan-siiyaan baaritaanka diyaaradahaasi.

Musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa intaasi ku daray inay muhiim tahay in la ogaado halka ay ku socdeen diyaaradahaas iyo ujeedka laga lahaa.

“Waa in hay’adaha iyo dawladaha naga gacansiiya tababarka ciidanka iyo arrimaha amniga ay hubiyaan nooca drone la qabtay, iyo halka ay ku socotay,” ayuu markale sii raaciyey.

Diyaaradaha Drones-ka ee lagu qabtay garoonka Aadan Cadde oo gaaray illaa lix diyaarad ayaa waxaa dalka keenay, sida uu sheegay Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo ujeedada uu u keenay ku sheegay inuu ku waraabinayo beeraha, sidoo kalena uu kula dagaalamayo Ayaxa, sida uu hadalka u dhigay.