Sawirro: Saddex qoddob oo looga hadlay kulan dhexmaray R/W Rooble iyo James Swan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay dardar-gelinta doorashooyinka dalka, taageerada farsmo iyo dhaqaale ee Beesha caalamka ka geysato.

“Ra’iisul Wasaare Rooble iyo James Swan ayaa isla gartay sida ay muhiimka u tahay in la dedejiyo howlaha doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa horay ugu boorriyay dowlad-goboleedyadu in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka BFS.

War-saxaafadeed ka soo baxay beesha caalamka 5-tii November ayaa walaac looga muujiyey dib u dhaca doorashooyinka dalka, waxaana madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada loogu baaqay inay deg deg ugu dhaqaaqaan dhameystirka doorasho loo dhanyahay, inta aan la gaarin dhamaadka sanadkaan 2021-ka.

Sidoo kale beesha caalamka ayaa ugu baaqday maamulka Galmudug in labada kursi ee Aqalka Sare uu deg deg u soo doorto, saaxiibada caalamka ee Soomaaliya waxay sidoo kale sheegeen in si dhaw ay ula socdaan heshiiska madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

“Waxaan ugu baaqaynaa labada hogaamiye inay si degdeg ah u fuliyaan qodobbada lagu heshiiyay, oo ay diiradda saaraan arrimaha mudnaanta u leh qaranka, gaar ahaan dhammaystirka geedi-socodka doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa si horudhac uga bilaabatay dalka, ayada oo Ra’iisul Wasaaraha uu wado dadaalo uu ku doonayo si rasmi ah loo guda galo doorashadaas oo dhowr jeer dib u dhac ku yimid.