NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad isku xiran oo ka kooban 12 qof (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay inay gacanta kusoo dhigtay shabakad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo howl-galo ka dhan ah amaanka ka fulin rabay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Taliyaha Nabad-Sugida maamulka Koonfur Galbeed Maxamuud Shaahiyow ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay soo qabtaan 12 qof oo diyaarinayay howl-galo amaan daro, islamarkaana ay horgeyn doonaan cadaaladda.

Waxaa qeyb ka ah shabakada ay ciidamada NISA gacanta kusoo dhigeen dad qaba qaba baahiyaha gaarka ah, kuwaasi oo baaritaano horudhac ah ay ku sameeynayaan ciidamadu.

Shabakadan ayaa qeyb ka aheyd shabakado dhowr ah oo Al-Shabaab u diyaariya qalqal-gelinta amniga Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howl-galadan ayaa qeyb ka ah sugida amniga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ayadu kamid ah goobaha loo asteeyay inay ka dhacdo doorashooyinka Golaha Shacabka oo dhawaan kuraastii u horeysay la doortay.